Wararka Soomaalida

Beesha caalamka oo soo saartay war Soomaaliya ku aadan

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu taageeray qurshaha is bedelka amniga ku saabsan ee maalmahanba ay wadeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalkan ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu buuriyey dowladda federaalka Soomaaliya Madaxdooda in ay laba jibaaraan dadaalada amniga lagu sugayo ee hadda ay bilowday dowladda […]

Published

on

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu taageeray qurshaha is bedelka amniga ku saabsan ee maalmahanba ay wadeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraalkan ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu buuriyey dowladda federaalka Soomaaliya Madaxdooda in ay laba jibaaraan dadaalada amniga lagu sugayo ee hadda ay bilowday dowladda Soomaaliya.

Wadamada soo saaray qoraalka ayaa waxaa ka mid ah QM Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK, iyo Mareykanka waxayna sheegeen in ay soo dhoweynayaan hindisaha uu Ra’iisul wasaare Kheyre usoo bandhigay saaxiibada ee is-beddelada dhinaca amniga iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah in ay sii waddo hormarinta amniga Soomaaliya.

“Waxaa na dhiir-geliyey go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo bisha April lagu qabanayo Kulanka Soomaaliya ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka.

“Waxaan sidoo kale sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada Amisom, oo mas’uuliyadda amniag Soomaaliya ku wareejineysa ciidamada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Soomaaliya inay taageeraan oo ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddelada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version