Wararka Soomaalida

Biixi iyo Shide oo shir ku yeeshay Addis Ababa

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wali waxay ku sugan yihiin dalka Itoobiya  gaar ahaan Caasimadda Itoobiya ee Magaalada Addis Ababa waxayna xalay kulan dheer oo dhinacyo badan looga hadlayey ay la yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Kulankaas ayaa miradhalkiisu wuxuu noqday in la dedejiyo wada hadalada dowladda […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wali waxay ku sugan yihiin dalka Itoobiya  gaar ahaan Caasimadda Itoobiya ee Magaalada Addis Ababa waxayna xalay kulan dheer oo dhinacyo badan looga hadlayey ay la yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Kulankaas ayaa miradhalkiisu wuxuu noqday in la dedejiyo wada hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland waxaana aaqirkii labada dhinac isku afgarteen in si loo helo xalwaara Muuse iyo maamulkiisaba dabacsanaan ay u muujiyaan Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo xubnaha la socda ayaa ogolaaday in ay aqbalaan dalabka Abiy Axmed si xal buuxa looga gaaro wada kulanka Biixi iyo Farmaajo Arrintan oo uu ka soo shaqeeyey Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha itoobiya.

Intaas ka dib maanta Magaalada Addis Ababa waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga dumoquraadiga Shacabka Soomaali State ahna Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Itoobiya Dr Axmed Shide.

Axmed Shide iyo Muuse Biixi kulan kooda ayaa waxaa la sheegay in diirada lagu saaray arrimaha labada shacab Soomaaliland iyo Soomaali State in ay u,istaagaan sidii ay ugu wada howlgalo lahaayeen.

Waxaa intaas dheer oo la hadal hayaa in ay isku soo hadal qaadeen fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi ee xalay kulan koodiina ku jeejeexay Qasriga Madaxtooyada Itoobiya ee Addis Ababa.

Kulankan Axmed Shide iyo Muuse Biixi ayaa gunaanidkii waxaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday jawi farxadeed,waana markii ugu horaysay tan iyo markii xilkan loo doortay Ra’iisulbwasaaraha itoobiya Dr Abiy Axmed uu kulan la yeesho hogaamiye Maamul goboleed Soomaali ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version