Uncategorized
Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo la hakiyay
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa joojisay bixinta Baasaboorka Soomaaliya muddo todobaad ah arimo farsamo awgood.
War maanta ay soo saareen waaxda Socdaalka iyo Jansiyadaha ee Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen in laga bilaabo 14 bishan September 2019 ilaa 21 bishan September 2019 lahakiyay bixinta codsiyada Baasaboorka Soomaaliya ilaa arimaha farsamo laga xalinayo.
Warkan oo waaxda socdaalka iyo Jansiyadaha Soomaaliya ay soo saareen ayaa uqornaa sida tan.
“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga waaxda socdaalka Soomaaliya ee facebook.
Go’aankaan lagu hakiyay dalbashada baasaboorka mudada todobaadka ah ayaa kusoo aadaysa iyadoo sidaan oo kale horay muddo seddax maalmood ah loo hakiyay howlaha Hay’adda dambi barista booliska Soomaaliya ee CID,da.