Wararka Soomaalida
Booliska oo badbaadiyay Caruur laxaday
Ciidanka Booliska qaybtooda Muqdisho gaar ahaan kuwa ka tirsan xarunta waaxda dembi baarista ee CID ayaa maanta gacanta ku soo dhigay koox shirkad ah islamarkaana xada Caruurta yaryar ka dibna sii iibsata sida la xaqiijiyay.
Ciidanka CID ee Booliska hoosta ayaa saaka ilaa galabta howlgal ballaaran ka waday qaar ka mid ah xaafdaha degmooyinka Muqdisho ka dibna ku soo qabtay 11 qof oo eedaysanayal ah islamarkaana 8 ka mid ah yihiin Haween halka seddaxda kale Ragyihiin waxaana kooxdan hadda gacanta ku haysa hay’adda Dembi baarista ee CID.
Saraakiisha Ciidankan howgalka fuliyay ayaa sidoo kale sheegay in arintan muddo hal bil ah ku raad joogeen ka dibna maanta soo afjareen shabakadaas ka ganacsata Caruurta Soomaliyeed.
Arintan ayaa waxaa ka hadashay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye guuto Jannaraal Sakiye Xuseen Axmed waxayna sheegtay Jannaraal Sakiya in gushan maanta ay gaareen kaalin mug leh ku leeyihiin shacabka ku nool xaafdaha maanta howlgalkaas laga saneeyay iyo soo qabashada Shabakaddan ka ganacsata xadista Caruurta yaryar ee Soomaaliyeed.
Jannaraal Sakiye Xuseen Axmed ayaa sidoo kale sheegtay markii kooxdan laqabanayay ku jireen guri ukiraysan islamarkaana halkaas ku haystay 11 Caruur ah oo da’dooda udheaysa 7 bil jir ilaa 12 sano jir islamarkaana beec-sugiyaal ah iyagoo ka soo kala xaday qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka Muqdisho iyo gobolada qaar.
Taliye ku xigeenka ayaa intaas hadalkeeda raacisay in Caruurtaas ilaa waalidiintooda ka yimaadaan gacanta ku hayn doonaan haatana ku hayaan meel amaan ah ilaalo gaar ahna loo sameeyay.
“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween,sidoo kale waxay ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka Booliiska intii laga baadigoobayo waalidiintooda”ayay tiri Sareeye Guuto Jannaraal Sakiye Xuseen Axmed.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo kordhayay baafinta Caruur ka yar da’da qaangaarnimada iyadoo laga baafinayay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha ee Muqdisho.