Wararka Soomaalida

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay shaqsigii bixiyey Qishka imtixaanka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Americo oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo xireen saqsi loo badinayo inuu bixiyey Qishkii sanad Dugsiyeedka 2018 iyo 2019 ee Imtixaanka dowladda ay qaadayso. Taliyaha ayaa sheegay ninka lagu eedaynayo inuu bixiyey Qishka Imtixaanka inuu magaciisa yahay Jamaaludiin Xasan Xirsi kaasoo da,diisu lagu sheegay […]

Published

on

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Americo oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo xireen saqsi loo badinayo inuu bixiyey Qishkii sanad Dugsiyeedka 2018 iyo 2019 ee Imtixaanka dowladda ay qaadayso.

Taliyaha ayaa sheegay ninka lagu eedaynayo inuu bixiyey Qishka Imtixaanka inuu magaciisa yahay Jamaaludiin Xasan Xirsi kaasoo da,diisu lagu sheegay 29 jir haatana loo gudbiyey Maxkamadda Gobolka Bamaadir ka dibna halkaas lagu waydiinayo Su,aalo la xiriira Qish bixinta Imtixaanaadka.

 

 

Sawirka eedaysane Jamaaludiin Xasan Xirsi

Jamaaludiin Xassn Xirsi ayaa waxaa uu ka tirsan yahay wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya qaybta Imtixaanaadka waxaana lagu eedeeyey inuu ku iibsaday lacag aad ufarabadan Qish bixinta.

Taliye Americo ayaa ugu dambayn sheegay in Jamaaludiin Xasan Xirsi markii Su,aal waydiinta dhamaato la soo taagi doono Maxkamad sidoo kale inta kale ee baaritaanka ku socda iyana lagu howlan yahay soo qabashadooda.

Tllaabadan ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii dhawaan wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre uu joojiyey imtixaankii bilayday 11 bishan may.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version