Wararka Soomaalida

Bulshada Soomaaliyeed oo siweyn ugu fal celiyay wixii ka dhacay Kismaayo

Published

on

Ka dib markii mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Kenya ay ka wada qayb galeen munaasabadii lagu qabtay magaalada Kismaayo islamarkaana lagu caleema saarayay Axmed Maxamed(Axmed Madoobe) ayaa waxaa siweyn ugu falceliyay bulshada Soomaaliyeed qeebahooda kala duwan sida siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo Culimada.

Aragtida bulshada munaasabadaasi ayaa ahayd dhamaan mid ay ka sinaayeen xagga ra’yigooda sharci ahaanshaha xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyagoo ku tilmaamay in dulmi lagu garab istaagay laguna difaacayo Axmed Madoobe doorashadii uu ku soo baxay 25-kii bishii August ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Shacabka Soomaaliyeed ee nooc kasta iskuugajira ayaa waxay soo hadal qaadeen mar haddii dowladda dhexe iyo beesha caalamka hal mowqif ka wada taagan yihiin haddana aysan ka qayb gelin in Axmed Madoobe uu yahay siihayaha maamulka Jubbaland wax caleema saar ahna ka dhicin magaalada Kismaayo kaliya mucaarad iyo cadowga Soomaaliyeed ee Kenya ay ku soo bandhigeen halkaas cadowtanimada loo qabo Soomaaliya iyo in dowlad awood leh oo cagaheeda ku istaagta loo ogolayn in ka hirgasho Soomalaiya.

Waxay kaloo aad uga hadleen xadgudubkii Kenya shalay ku soo samaysay hawada Soomaaliya ka dib markii wafdiga ka socday Kenya si sharcidaro ah ku soo galeen dalka Soomaaliya iyagoo watay diyaarad ay leedahay wasaarada gaashaandhiga Kenya balse lahayd calaamadda Ciidamada AMISOM waxayna ku tilmaameen kuwaas iyo kuwa Soomaalida ah ee soo dhaweynta usameeyayba kuwo aan waxba ku kala duwanayn.

Intaas ka dib siyaasiyiinta,aqoonyahanada iyo Culimada Soomalaiyeed ayaa waxay mid mid udul istaageen siyaasiyiinta Soomaalida ah ee ka qayb galay xafladaasi Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen inay u,arkayeen shaqsi wanaagsan balse hadda wixii ka dambeeya ka fiirsan doonaan doorashada lafilayo inay ka dhacdo Soomaaliya cidna dooran doonin oo uga dhamaatay rajadii Soomaaliya ay ka lahayd sidoo kale uu lamid yahay Xasan Sheekh Maxamuud marba haddii Axmed Madoobe dulmi ku taageereen iyadoo Kenya xadgudub keedana ka raali noqdeen.

Waxay kaloo sheegeen shacabka in awalba wax ixtiraam ah uhayn Shariif Xasan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay ku yaqaaneen qaran dumis iyo in danahooda u,adeegaan oo kaliya awalna rajo iyo wanaag ka filanayn in ukeenaan bulshada Soomaaliyeed iyo dalkaba.

Xildhibaanada labada aql ee ka qayb galay munaasabadaasi ayaa waxay ku dareen liiska qaran dumisnimada waxayna ku baaqeen in xasaanada lagala noqdo oo beelihii soo doortay si deg deg ah iskiiga bedelaan.


Ugu dambayn Madaxweynaha lagu caleema saaray Kismaayo ee ah Axmed Maxamed Axmed Madoobe ayaa waxay ku tilmaameen cadowga koowaad ee Soomaaliya ka dib markii uu soo dhaweeyay wafdigii Kenya ee xafladiisa ka qayb galay.

Shacabka Soomaaliyeed ee iskuugajira Culimo siyaasiyiin iyo aqoonyahanada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ilgaar ah ku eegaan siyaasi walba oo xafladaasi ka qayb galay iskana eryaan markii lagaaro doorashada sanadka 2021-2022-ka.

Aragtiyooyinkan isku mid ah iyo carada ka muuqata bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo bandhigeen baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka iyagoo ka qayb geliyaasha oo dhan ku eedeeyay inay u,adeegaan danaha Kenya.

Trending

Exit mobile version