Wararka Soomaalida

Buula fulaay oo lagu duqeeyey Saraakiil Al shabaab ah

Sida wararka ay nagusoo gaarayaan deegaanka Buula fulaay ee Gobolka Shabeelada hoose iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa waxaa lagu qaaday weerar dhanka Cirka ah ka dib markii diyaaradaha laga leeyahay Maraykanka ay fuliyeen weerarkaas isbuucii hore. Duqeyntan ayaa la sheegayaa in lala bartilmaamsaday Saraakiisha ugu saraysa kooxda Al shabaab ee aagaas ku sugnaa ka […]

Published

on

Sida wararka ay nagusoo gaarayaan deegaanka Buula fulaay ee Gobolka Shabeelada hoose iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa waxaa lagu qaaday weerar dhanka Cirka ah ka dib markii diyaaradaha laga leeyahay Maraykanka ay fuliyeen weerarkaas isbuucii hore.

Duqeyntan ayaa la sheegayaa in lala bartilmaamsaday Saraakiisha ugu saraysa kooxda Al shabaab ee aagaas ku sugnaa ka dibna duqeynta ay ka soo gaartay khasaaro iskuuga jira dhimasho iyo dhaawac sida wararka qaar ay sheegayaan.

fulinta weerarka Buula fulaay ee Shabeelada hoose iyo in saraakiil sarsare oo Al shabaab ah lagu dilay weerarkaas ayaa waxaa Warbaahinta xogtan usoo dusiyey saraakiil Maraykanka ah sida laga soo xigtay shaqsiyaadka wax ka qorey duqeynta Buula Fulaay.

Weerarkaas ayaa wuxuu yimid ka dib markii Buula Fulaay dhawaan lagu arkay Hogaamiye ku xigeenka Al shabaab Mahad Karatee,Suldan Aala Maxamed iyo Xasan Yacquub oo ka mid ah kooxdaas.

Saraakiisha Al shabaab ayaa waxay Buula Fulaay kaga qeyb galayeen xaflad loo sameeyey arday ka baxday Machad ku yaala deegaanada kooxdaas ay maamusho kuna shaqeeya Machadkan ficilka iyo rabitaanka Kooxda.

Ardaydaydan ayaa waxaa la sheegay in tiradooda ay gaareyso 124 arday islamarkaana bartay shareecada islaamka sida warka loo dhigay.

Ku xigeenka Hogaamiyaha meleeshiyada Al shabaab Mahad Karatee iyo Saraakiisha kale ayaa Ardaydaas oo ka mid ah kooxdooda Buula fulaay ku gudoonsiiyey Shahaado sharaf.

Haddaba xafladaas oo ka qabsoontay deegaanka Buula fulaay ee Gobolka Shabeelada hoose xili galab ah ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Habeenkii raggan oo marayey deegaano aan sidaas ugu fogayn Buula fulaay diyaaradaha Maraykanka ay ku duqeeyeen deegaanadaas.

ilaa hadda mahayno wax cadeyn ah warkan ku saabsan in Saraakiisha sarsare ee Al shabaab lagu duqeeyey Shabeelada hoose khasaarana uu jiro balse waa xog hoose oo la helay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version