Local News

Cabdi Bile oo soo xiray tartan kubadda cagta Soomaalida oo lagu qabtay Minneapolis

Tartan sannadlaha ah ee kubadda cagta ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.  Haddaba Tartankan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya 8 kooxood oo iyagu ka kala yimid qaar kamid ah gobolodda dalka Mareykanka ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu soo gaba-gabeeyay. Koobkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Tababare Adam Ugaas oo isagu […]

Published

on

Tartan sannadlaha ah ee kubadda cagta ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.  Haddaba Tartankan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya 8 kooxood oo iyagu ka kala yimid qaar kamid ah gobolodda dalka Mareykanka ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu soo gaba-gabeeyay.

Koobkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Tababare Adam Ugaas oo isagu ku caan baxay in uu qabto, dadaal dheerna geliyo xaflad iyo tartamo lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka iyo kor u qaadida bulshadda Soomaaliyeed. Adam Ugas ayaa wargesyka Tusmo Times u sheegay in ula jeedada loo qabtay tartanka kubadda cagta ay tahay isdhexgalka dhalinyarada, dhiiri gelinta caafimaadka iyo ciyaaraha iyo kor u qaadida xiriirka ka dhaxeeya ciyaartooydii iyo dhallinyaradii cuslaatay iyo kuwa da’da yar.

Haddaba waxaa xafladdii iyo ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu soo gaba-gabeeyay tartanka kubadda cagta ee lagu xusayey, laguna xasuusanayey todobaadka xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo ka soo qayb galay qaar kamid ah halyeeyaashii, hogaamiyeyaal, ciyaartooydii qaran iyo weliba tababarayaashii qaranka.

Orodyahan-ka Soomaaliyeed, halyeey Cabdi Bile Cabdi oo isagu noqday qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku guuleeysta tartanka Oradka caalamiga h 1500 meter, kuna guuleystay tartankii lagu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga sannadkii 1987-kii ayaa isagu soo xiray tartanka kubadda cagta.

Cabdi Bile Cabdi ayaa isagu bixiyay koobka kaalinta koobaad oo ay ku guuleysatay kooxda FC Raiders. Sidoo kale Cabdi Bile Cabdi ayaa ciyaartooydii, tababarayaashii, dhallinyaradii, dadweynihii daawanayey ciyaarta iyo dhamaan dadkii goobta joogay u jeediyay qudbad dhiiri-gelin ah. Cabdi Bile ayaa u mahadceliyay Adam Ugaas oo isagu soo qaban qaabiyay tartanka, wuxuuna si gaar ah u la dardaarmay dhallinyarada iyo dhamaan ciyaartooydii iyagu ka qayb qaatay tartanka.

Waxaa sidoo kale xaflada lagu soo gaba-gabeeyay tartanka kubadda cagta ka qayb qaatay macalin Qariidi, Ahmed Daahir iyo Cabdikadir Shiikha oo iyagu ah ciyaartooydii kubadda kolayga ee qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalana ah tababaryaal. Fadumo Ibrahim oo ka socotay guddiga Olombikada Soomaaliyeed, macalin Fartun oo iyadu kubadda cagta iyo koleyga ku tababarta gobolka Minnesota iyo Cabdikadir Hassan “AK” oo ah wiil dhallinyaro ah oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee laga soo doortay gobolka Minnesota.

Tartankan oo sannad walba laqabto todobbaadka xorriyada Soomaaliya ayaa ah mid ka duwan ciyaaraha ay ciyaaraan ciyaartoyda 11 v/s 11. Tartankan ayaa waxaa ciyaara 7 v/s 7, nidaamkan todobadda ciyaartoy garoonka lagu galayo ayaa aha waxa xiiso badan galiyay tartankan.

Tartankan oo aad u xiiso badanaa mudadii uu socday ayaa dadweynihii badnaa ee u soo daawashada tagey ay aad u bogaadiyeen. Sidoo kale, dhamaan ciyaartooydii, tababarayaashii iyo dadweynihii daawaday ciyaaraha ayaa iyaguna aad u bogaadiyay agaasimka iyo qaabka quruxda badan ee uu tartanku u dhacay. Maalintii Arbacada ee taariikhdu ahayd 3-da bisha Luulyo ayaa la soo gaba-gabeeyay magaalada Minneapolis.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version