Local News

Cabdi Warsame oo iska casilay xilkii uu hayey

Published

on

Cabdi Warsame oo kamid ahaa madaxda magaaladda Minneapolis, gaar ahaan golaha gudoonka Minneapolis ayaa maanta oo Isniin ah iska casilay jagadii iyo kursigii loo doortay labadda jeer.

Cabdi Warsame ayaa maalinta berri ah oo ah Tallaado bilaabaya masuuliyad iyo jago cusub, isaga oo naqonaya Agaasimaha Guud ee Hay’adda Guryeeynta Magaalada Minneapolis (Minneapolis Public Housing Authority). Cabdi Warsame ayaa sannadkii qaadanaya lacag dhan $178,782, waa sida uu sheegay Jeff Horwich oo ah Afhayeenka Hay’adda Guryeeynta Magaalada Minneapolis (Minneapolis Public Housing Authority).

Gudoomiye Cabdi Warsame ayaa maanta u gudbiyay madaxda Magaaladda Minneapolis warqad uu si rasmi ah iskaga casilay xilkii loo doortay labadda jeer ee uu hayey mudado 7 sanno ah.

Gudoomiye Cabdi Warsame ayaa u mahadceliyay shaqaalihiisa kala shaqaynayey xafiiskiisa Yusra Arab iyo Ryan SanCartier. Sidoo kale Cabdi Warsame ayaa u mahadceliyay dhamaan madaxda magaaladda Minneapolis oo uu in mudo ah la shaqaynayey. Cabdi Warsame ayaa mahadcelin gaar ah u diray dadka iyo shicibka deggen degmadda 6 Ward6 oo ah degmadda laga soo doortay iyo weliba meesha ay isaga iyo reerkiisuba deggen yihiin.

Haddaba Cabdi Warsame ayaa markale taariih cusub ka dhigaya magaaladda Minneapolis, gobolka Minnesota iyo guud ahaanba dalka Mareykanka. Cabdi Warsame ayaa noqonaya qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee gabta xil ama jago tan oo kale ah guud ahaanba dalka Mareykanka.

Halkan ka akhriso warqadii uu isku casilay Cabdi Warsame: https://thetusmo.com/deg-deg-cabdi-warsame-oo-iska-casil…/

Trending

Exit mobile version