Wararka Soomaalida
Cabdikariim Guuleed oo si adag uga hadlay arimaha doorashooyinka
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikaruim Xuseen Guuleed ayaa si weyn uga hadlay qodob ka mid ah arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2021-ka lagu wado inay ka dhacaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qaabka Doorasho ee Soomaaliya muddo dheer ku soo dhaqmaysay.
“Anigoo u mahad celinaya gudiga sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka ayaa haddana waxaan lagama maarmaan ah in la,ifiyo arimo ku gadaaman qodob cusub oo gudigu ku soo dareen sharciga oo ah qodobka 11-aad gaar ahaan faqradiisa 6-aad ee sharciga doorashooyinka ee sheegaya ama tibaaxaya in madaxweynahu uu ka soo dhex qabanayo wasiirka koowaad xisbiga ku guuleeysta Aqlabiyadda Barlamaanka.
Haddaba waxaan isleeyahay qodobkaasi cusub ee aan horay baarlamaanku uga doodin ugana baaraan dagin wuxuu u baahan yahay is dul istaag iyo ka doodis badan marka laga eego arimaha soo socda.
1-Qodobka oo aad moodo inuu ka hor imaanayo qodobka 90-aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha Madaxweynaha asagoo gacmo xiraya Madaxweynaha.
2-Qodobka oo wax ka badal weyn ku sameynaya nidaamkii xukun ee dalka ee ku dhisnaa kuna saleysnaa awoodo dheeli tiran oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo wasiirka koowaad lakiinse haddii qodabkan 13-aad la qaato waxaa dhaci doonta in awoodda wasiirka koowaad ay aad xoogeysato uuna noqonayo asagu madaxa dowladda (Head of State) sida curfi ahaan lagu yaqaano wasiirada koowaad ee ku yimaado habka aqlabiyadda Baarlamaanka.
Haddii ay sidaas dhaceysana oo nidaamkaas xukun ee cusub aan u guureynana waxay u baahan tahay in si weyn looga hadlo loogana baaraan dago oo uusan si sibiq ah nagu galin laguna qaadan.
Qodobka oo laga yaabo inuu qalqal iyo qulub ku keeno nidaamkii awood qeybsi ee dalka ka jiray, waayo hadduu Madaxweynuhu wasiirka koowaad ka soo magacaabayo xisbiga hela Aqlabiyadda Baarlamaanka waxaa imaan karta in haddii Madaxweynaha la doortay uu noqdo beel qofka hogaamiya xisbiga hela aqlabiyadda Baalamaankuna noqdo isla beel uu Madaxweynuhu ku qasbanaado inuu qofkaas magacaabo maadaama uu asagu yahay hogaamiyaha xisbiga ee xaqa u leh xubintaas ama xilkaas taas oo dhaawac ku ah dhowrista nidaamkii awood qeybsi ee jiray.
Dhanka kale hadduu madaxweynuhu asagoo dhowraya awood qeybsiga qofkaas qof aan aheyn oo beel uu xisbigaas ka dhex qabsadana waxaa imaan karta inuusan qofkii hogaamiyaha xisbiga ahaa uu ku qanci waayo oo halkaas khilaaf iyo burbur xisbigaas ku yimaado.
Haddaba waxaan xildhibaanada sharafta leh u soo jeedin lahaa in qodobkaas ay si gaar ah diiradda u saaraan loogana doodo”ayuu qormadiisa ku soo xiray Cabdikariim Xuseen Guuleed.