Wararka Soomaalida
Cabdirashiid Xidig oo su,aalo hordhigay Mucaaradka Kismaayo isku aroorsaday
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah golaha baarlamanka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta lagu doortay magaalada Kismaayo 25-kii bishii August ayaa su,aalo dhowr ah hordhigay mucaaradka farahabadan ee isku bahaystay magaalada Kismaayo.
Cabdirashiid Xidig ayaa waydiiyay haddii sida uu udhaqmay Axmed Madoobe silamid ah Farmaajo udhaqmo doorashada soo socota sida ay ka yeelayaan marba haddii ay taageereen sharcidarada Axmed madoobe.
Waxaa hubaal ah Inay Jubbaland isugu yimaadeen dad ixtiraam mudan iyo kuwo qorshahooda yahay Qaran dumis rabana in Jubaland noqoto saldhiga qaranka lagaga duulo anigoon hoos ugu sii daadagin shakhsiyaadka kismayo isugu yimid waxaan waydiinayaa dhowr su,aalood waxaana lagama maarmaan ah inay jawaabo waafiya kasiiyaan Shacabka soomaaliyeed.
1:Dhamaantiin waxaad isu garab ordaysaan ololaha Doorashada Federaalka ee 2021 ma aqbaleysaan hadii Farmajo idinkoo guryihina jooga ku dhawaaqo In la doortay sidii Axmed madoobe?
2: ma aqbaleysaan In Farmajo 3 magac loo keeno oo midkuu hubo inuu dooranayo xildhibaan ka dhigo sida Axmed madoobe?
3:Ma aqbaleysaan In odaygii dhaqanka ee aan Farmajo taageersaneyn inuu liiska dhaqanka ka saaro oo mid isaga taageersana uu ku bedesho sida Axmed madoobe?:
4:Ma aqbaleysaan In shuruudaha Madaxweynuhu noqdaan kuwo lagu cabiray oo u adeegaya farmaajo oo kaliya murashaxiinta kale oo dhana meesha ka saaraya sidii Axmed madoobe?:
5:Ma aqbaleysaan in farmaajo murashaxiinta u diido inay airporka kasoo degaan, ololeeyaan ama is diwaan geliyaan sidii Axmed madoobe?
6:ma aqbaleysaan In warqada kama danbeysta ee fasaxa murashaxiinta uu bixiyo Farmajo iyo ha’ayada Nabad sugida murashaxii inuu culus yahay uu u arkana tartanka laga reebo sida Axmed madoobe?
Lixdaas qodob hadaad ogoshihiin In Madaxweyne Farmajo ku maamulo doorashada Federaalka ee 2021 Waxaa inoo furan wada hadal.