Wararka Soomaalida

Cabdiwali Gaas oo wareegii Kowaadba ku fashilmay

Wali waxaad nagala socotaan Wargayska Tusmotimes waxaan toos idiinkugu soo gudbinaynaa Doorashada Hogaanka Puntland Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Madaxweynihii muddada Shanta sano soo xukumayey Puntland looguna cabsidaqabay in marlabaad uu ku guulaysto doorashada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku fashilmay Wareegii kowaad. Wuxuuna helay 8 Cod oo kaliya halka Musharaxiinta kale ay […]

Published

on

Wali waxaad nagala socotaan Wargayska Tusmotimes waxaan toos idiinkugu soo gudbinaynaa Doorashada Hogaanka Puntland Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxweynihii muddada Shanta sano soo xukumayey Puntland looguna cabsidaqabay in marlabaad uu ku guulaysto doorashada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku fashilmay Wareegii kowaad.

Wuxuuna helay 8 Cod oo kaliya halka Musharaxiinta kale ay haystaan coddad ka badan inta cabdiwali uu helay wuxuuna ku haray Wareegii kowaaadba.

Waxaana loo gudbay Wareega labaad waxaana ugudubtay Seddaxda Musharax ee ugu codadka badan ee kala ah Janaral Asad Cusmaan Cabdulaahi oo wareegii Kowaad helay 17 Cod Musharax labaad oo ah Saciid Cabdulaahi Dani oo asna helay Wareega kowaad 20 Cod

Iyo Faarax Cali Shire oo helay 9 Cod intaas ayaana ugudubtay Wareega labaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version