Wararka Soomaalida
Cabdixakiim Camey oo Safiir loo magacaabay
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Safiir umagacawday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland Cabdixaliim Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camey). Magacaabista Mudane Camey ayaa waxaa lagu ansixiyey shirkii maanta ee Golaha wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho. Sida ay horeyba usameynjirtay dowladda federaalka Soomaaliya Safiirada ay umagacaabeyso wadamada caalamka ayaa magacaabistaana la sheegin […]
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Safiir umagacawday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland Cabdixaliim Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camey).
Magacaabista Mudane Camey ayaa waxaa lagu ansixiyey shirkii maanta ee Golaha wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Sida ay horeyba usameynjirtay dowladda federaalka Soomaaliya Safiirada ay umagacaabeyso wadamada caalamka ayaa magacaabistaana la sheegin ilaa Madaxweynaha uu ka saxiixo iyadoo markaas la sheegi doono wadanka uu fariisanayo Safiir Cabdixaliim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.
Xog uu si hoose u huuley Wargayska Tusmotimes ayaa sheegagsa xilkan Safiirnimo ee loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland Cabdixaliim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay inuu yahay mid Abaalgud looga dhigay ka dib markii uu ka hor yimid Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas xiligii Golihii iskaashiga Maamul goboleedyada ee sida weyn ugu hor yimaad dowladda dhexe ee Soomaaliya shirkoodii Kismaayo.
Cabdixaliim Camey ayaa berigaas wuxuu siweyn ugu hor yimid go,aankii ay ka qaateen dowladda federaalka Soomaaliya Madaxweyniyaashii Maamul goboleedyada waxa uu sheegay Camey in Cabdiwali Gaas ku keli yahay go,aankaas Maamulka iyo shacabka Puntland uu garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya.
Khilaafkii xiligaas soo kala dhexgalay Camey iyo Gaas ayaa waxaa la,isla soo gaaray ilaa doorashadii Maamulka Puntland ee ee dhacday 8-dii bishii January ee sanadkan 2019ka iyadoo Cabdiwali Gaas looga,adkaaday doorashadaas.
Maadaama Cabdixaliim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey xiligaas garab istaagay dowladda Soomaaliya in hadda dowladda Soomaaliya ay Abaalgud ugu dhigtay in loo magacaabo xilka Safiirnimo ee Soomaaliya.
Tani ayaa waxay fariin utahay Siyaasi walba oo garab istaag muujiya dowladda hadda jirta in Abaalgud uu ka heli doono dowladda Soomaaliya.