Wararka Soomaalida
Cabdixakiin Dhoobo Daarood oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland
Doorasho saaka ka dhacday Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu dooranayey Gudoomiyaha Baarlamanka Cusub ee Maamulka Puntland. Waxaa utartamayey xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas labo Musharax kuwaa soo kala ah 1-Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-Daarood) 2-Jamaal Cusmaan Maxamed. Waxaa wareegii kowaad ay Kala Heleen labada Musharax Dhoobo Daarood ayaa helay 40 Cod Halka Musharaxa Jamaal Cusmaan […]
Doorasho saaka ka dhacday Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu dooranayey Gudoomiyaha Baarlamanka Cusub ee Maamulka Puntland.
Waxaa utartamayey xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas labo Musharax kuwaa soo kala ah 1-Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-Daarood) 2-Jamaal Cusmaan Maxamed.
Waxaa wareegii kowaad ay Kala Heleen labada Musharax Dhoobo Daarood ayaa helay 40 Cod Halka Musharaxa Jamaal Cusmaan uu Halay 20 Cod.
Wareegii ugu dambeeyey ayaa lagu kala baxay waxaana Gudoomiye loo doortay Musharaxa Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daarood) oo helay Wareegii labaad 43 Cod halka Musharaxa latartamayey Dhoobo Daarood Mudane Jamaal Cusmaan Maxamed 23 Cod.
Gudoomjyihii KMG ee Baarlamanka cusub ee Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku dhawaaqay in Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland loo doortay Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daarood)
Doorashada Gudoomiyaha iyo labadiksa ku xigeen ayaa isla meeshas maanta lagu doortay waxaana doortay oo u codeeyey Baarlamanka Maamulka Puntland.