Wararka Soomaalida
Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in Caleemo saarkiisa uu dhaco 16 bishan January ka dib War qad ka soo baxday maanta Xafiiskiisa isla-markaana uu ku magacaabay Gudiga qaban,qaabada Xafladda Caleema Saarkiisa. Gudigan oo ubadan Golaha Wasiirada ee Koonfur Galbeed ayaa diyaarinaya Marti sharafta lagu casuumayo Caleema-Saarka Madaxweynaha Maamulka […]
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in Caleemo saarkiisa uu dhaco 16 bishan January ka dib War qad ka soo baxday maanta Xafiiskiisa isla-markaana uu ku magacaabay Gudiga qaban,qaabada Xafladda Caleema Saarkiisa.
Gudigan oo ubadan Golaha Wasiirada ee Koonfur Galbeed ayaa diyaarinaya Marti sharafta lagu casuumayo Caleema-Saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo 19kii December sanadkii hore ku guulaystay tartankii Madaxweynaha ee ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Xafladda Caleema-Saarka Lafta Gareen ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeeb galaan Madaxda ugu saraysa Dowladda Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Markii ay dhamaato Xafladda Caleema-Saarka Mudane Lafta Gareen ayaa waxaa uu guda geli doonaa soo magacaabista Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed iyadoo latashiyo farabadan uu lasamayn doono Xildhibaanadii asaga xilka udoortay iyo Odayaasha beelaha ee dega Gobolada Maamulkiisa uu ku magacaaban yahay.
Golaha Wasiirada ee uu magacaabi doono Lafta Gareen ayaa waxay ubadnaan doonaan Golaha Baarlamanka Koonfur Galbeed sida markii uu ku jiray Ololaha Doorashada Madaxweynaha qorshuhu uu ahaa.