Wararka Soomaalida

Caleema saarkii Madoobe oo dib loo dhigay

Published

on

Axmed Maxamed Madoobe oo ka mid ah siyaasiyiinta isku doortay magaalada Kismaayo horayna u ahaa Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo caleema saarkiisa lagu waday inay dhacdo 26 bishan September ayaa dib loo dhigay ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya ka xanibtay Siyaasiyiin uu ku casuumay xaflada caleema saarkiisa.

Siyaasiyiinta uu ku casuumay Axmed Madoobe xafladiisa ayaa waxaa ka mid ah laba Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo horay Madaxweyniyaal ugu soo noqday Soomaaliya,siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Faysal cali wareebe iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ka dibna dowladda Soomaaliya ka xanibtay inay utagaan Axmed Madoobe.

Dib udhacan ku yimid xafladii caleema saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa shaaciyay gudigii loo xilsaaray qabanqaabada qabsoomida xaflada caleema saarka Axmed Madoobe iyadoo ilaa hadda waqtiga ay qabsoomayso la sheegin munaasabadaas baaqatay kaliya gudiga waxay sheegeen in xafladii caleema saarka ahayd waqtigii ay ugu talagaleen dib ugu dhacday.

Arimahan dib udhaca ah ee xafladii Axmed Madoobe ayaa waxay ku soo aadaysaa ka dib markii waaxada duulista hawada Soomaaliya maanta muddo seddax maalin ah duulimaadkii Kismaayo ujoojiyeen sidoo kale siyaasiyiinta qaar looba diiday inay aadaan Kismaayo.

Trending

Exit mobile version