Wararka Soomaalida

Canugii laxaday oo lahelay+sawiro

Dhawaan Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga xaday Canug yar oo ku dhashay Isbitaalkaas waxaana arrintaas ka dhashay jahwareer aad uweyn ka dib markii ehelada ilmaha yar iyo dhaqaatiirtiiba ay waayeen ilmihii yaraa ee Umusha ahaa. Isbuucii la soo dhaafay ayaa Falkaas uu ka dhacay SOS waxaana wixii intaas ka dambeeyey loo galay […]

Published

on

Dhawaan Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga xaday Canug yar oo ku dhashay Isbitaalkaas waxaana arrintaas ka dhashay jahwareer aad uweyn ka dib markii ehelada ilmaha yar iyo dhaqaatiirtiiba ay waayeen ilmihii yaraa ee Umusha ahaa.

Isbuucii la soo dhaafay ayaa Falkaas uu ka dhacay SOS waxaana wixii intaas ka dambeeyey loo galay baadi goob ku aadan Canug la xaday.

Haweenaday dhashay Canuga la xaday oo lagu magacaabo Namco Maxamed Maxamuud ayaa waxay ahayd haweenay da,yar oo ah Ugub ama canugii ugu horeeyey ee ku Curatay ka dib markii ay dhashay waxay gashay xaalada Miir dabool ah.

Canugan yar ee la xaday oo ah Wiil  ayaa waxaa xaday Haweenay sida la sheegay wax Caruur ah dhalin dadeedana hadda Horay ubadatay.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska oo baadi goob ugalay arrintaas ayaa gacanta ku soo dhigay haweenaydii xaday canugii umusha ahaa iyo Canugii Umusha ee ay xaday.

Waxaana laga soo qabtay xaafad ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaana canugii lagu wareejiyey Hooyadii dhashay.

Haweenaday xaday ilmahan yar ee umusha ah ayaa waxaa soo sheegay shacabka ku nool xaafada laga soo qabtay oo ku taala dhabarka dambe ee Isbitaalka Erdogan ee EX Digfeer xaafadaas oo layiraahdo Bisha Cas.

Sheekada ugu cajiibsan ayaa waxay ahayd iyagoo shacabka aad uyaqaanay haweenayda xaday ilmaha yar kuna yaqaanay in waligeed aan ilma dhalin ka dibna ku arkay ilmahaas umushay ah iyadoo wadata sheegaysana in iyadu ay dhashay.

Sidaas ayaana Ciidamada Booliska ku heleen warbixinta ilmihii laga soo xaday Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xabsiga utaxaabay haweenaydii xaday ilmihii yar waxaana lagu xiray xarunta CID ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay seddax haween ah oo ilmo yar ka xaday Muqdisho waxaana la qabtay iyagoo la siimaraya Deegaanada Puntland.

Ciidamada amaanka Puntland we gacanta ku dhigay Seddaxdaas ee Haweenka ah ayaa waxay weydiiyeen halka ay ka keeneen ilmahaan yar waxayna ugu jawaabeen in Hooyadiis ay Umul raacaday.

Seddaxda haween ayaa hadda ku xiran xarun Ciidan oo ku taala Garowe ee Gobolka Nugaal.

Sawirada hoose waa ilmihii yaraa ee Isbitaalka SOS laga xaday islamarkaana dib loo helay iyo Hooyadii wiilkaas yar dhashay ee laga xaday Nimco Maxamed Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version