Wararka Soomaalida
Ciidamada amniga oo ka hor tagay qarax
Ciidamada Amaanka Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha Qarxa kuwaa oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Mas’uuliyiinta iyo shacabka degmada.
Ciidamada amniga Dhuusa-mareeb oo helay xog ku aadan in qeyb ka mid ah Dhuusa-mareeb lagu aasay Miinooyin ayaa howlgal balaaran ka sameeyay Xaafadaha degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud iyagoo markii dambe ku guulaystay in si nabad gelyo ah ay ku soo saaraan Miinooyinkaas lagu aasay xaafadaha Dhuusa-mareeb.
Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Gaashaanle C/lahi Xassan Macallin ayaa sheegay inay ku raad joogaan Dhagar qabayaashii ka dambeeyey waxyaabahan lala rabay in Shacabka lagu dhibaateeyo eendhigay Dhuusamareeb.
Ciidamada ka howlgala Dhuusa-mareeb ayaa waxay dadaal dheer ugu jiraan sidii usugi lahaayeen amniga Degmada,mas’uuliyiinta iyo shacabka ku sugan Magaalada Dhuusa-mareeb.
Degmada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka socota abaabulka loogu jiro maamul usamaynta Galmudug.