Wararka Soomaalida

Ciidamada amniga oo qabtay Qarax iyo haweenay Uurleh

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xalay Ciidamada amniga Soomaaliya gaar ahaan cutubka Danab Howlgal ay ka fuliyeen xaafadaha degmadaas ku soo qabteen 4 qof iyo qarax Jawaan lagu soo qariyay la soo galay degmada Marka ka dib xog Ciidamada ay heleen ka dib sida Wargayska Tusmotimes usheegay […]

Published

on

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xalay Ciidamada amniga Soomaaliya gaar ahaan cutubka Danab Howlgal ay ka fuliyeen xaafadaha degmadaas ku soo qabteen 4 qof iyo qarax Jawaan lagu soo qariyay la soo galay degmada Marka ka dib xog Ciidamada ay heleen ka dib sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah dadka degmada Marka ku nool ka mid ah.

Dadka ay qabteen Ciidamada Danab ee 4 ruux ka kooban ayaa la sheegay in labo Dumar ay yihiin oo middood Uur leedahay halka labada kale ay yihiin Rag sida dadka degmada ay inoo sheegeen waxaana lagu soo qabtay Qarax ay ku soo qariyeen Jawaan.

Afartaas qof ayaa Ciidamada waxay ka soo qabteen xaafad dhinaca galbeed kaga taala degmada Marka ka dib markii Saraakiisha Ciidanka Danab xogtan ay la wadaageen Shacabka Magaalada Marka degan gaar ahaan xaafada Qaraxaas la soo geliyay sidaana lagu soo qabtay.

Arintan ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii sidaan oo kale Todobaadkii hore Ciidamada amniga ee Danab ay qabteen qarax lagu soo qariyay Qudaar ka dibna la soo saaray Gaari Dameer ama Kareeto la soo geliyay magaaladaas iyadoo qaraxaas lagu qabtay Haweenay caan ka ah Magaalada Marka islamarkaana ka ganacsata Qudaarta.

Kuwii xalay lagu soo qabtay Qaraxa Jawaanka ku soo qariyay iyo haweenaydii Todibaadkii hore iyana Qudaarta ku soo qarisay qaraxa ayaa dhamaantooda loo soo gudbiyay laamaha amniga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho sida aan xogta ku helnay.

Dhinaca kale Magaalada Marka ayaa dhowaan waxaa gaari doona oo ku wajahan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo iyadoo hadda Lafta Gareen uu ku sugan yahay degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

In Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu gaari doono Magaalada Marka ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed(Waafow) ka dib wareysi uu siiyay Wargayska Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version