Wararka Soomaalida

Ciidamada amniga oo soo qabtay gacan ku dhiigle dilay Haweenay

Published

on

Habeenkii arbacada ee khamiis soo galaysay ayaa Degmada Dayniile xaafad ka mid ah waxaa lagu dilay Haweenay la oranjiray Hani Ismaaciil Yuubane waxaana dilkeeda ka dambeeyay nin dhalinyara ah kana tirsan Ciidanka ka howlgala degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ka dibna fakaday dambiilihii dilay haweenaydaas.

Intaas wixii ka dambeeyay ayaa waxaa ciidamada amniga Muqdisho baadigoob dheer ugaleen sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglaha fakaday ka dib markii ehelada marxuumad Hani Ismaaciil Yuubane ay soo jeediyeen in la soo qabto Gacan ku dhiiglaha dilay gabadhooda cadaaladana la marsiiyo.

Ciidamada ayaa markii dilka gabadha uu dhacay ninkii dambigaas dilka ah gaystay uu fakaday waxay soo xireen askarigii iska lahaa qoriga falka dilka ah lagu fuliyay ka dibna waxay baadigoob ugaleen sidii ay ku soo qaban lahaayeen dambiilaha fakaday.

Howlgal guri guri ah oo galabta ka dhacay xaafadaha qaar ee degmada Dayniile ayaa ciidamada waxay gacanta ku soo dhigeen ninkii dhalinyarada ahaa ee ka dambeeyay dilka marxuumad Hani Ismaaciil Yuubane oo ahayd haweenay lahayd laba caruur ah.

Mararbadan ayaa sidaan oo kale ciidamada amniga Muqdisho waxay ugu guulaysteen inay soo qabtaan dambiiliyaal galay dambiyo kala duwan kuwaas oo hadda qaarkood xukun sugiyaal ku ah xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho iyadoo qaar kale horay loo marsiiyay cadaalad.

Gacan ku dhiiglihii fakadka ahaa ayaa hadda ku jira gacanta laamaha amniga Muqdisho wuxuuna sugayaa in la marsiiyo cadaalad.

Trending

Exit mobile version