Wararka Soomaalida
Al shabaab oo deegaanka Malaayley laga saaray
Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ee Guuto 4-aad iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa galabta Al shabaab ka qabsaday deegaan la yiraahdo Malaayley oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ka dib dagaal halkaas ku dhexmaray Ciidankan wadajirka ah iyo kuwa Kooxda Al shabaab. Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si qorsoodi ah […]
Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ee Guuto 4-aad iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa galabta Al shabaab ka qabsaday deegaan la yiraahdo Malaayley oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ka dib dagaal halkaas ku dhexmaray Ciidankan wadajirka ah iyo kuwa Kooxda Al shabaab.
Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si qorsoodi ah ugu soo talaabay Webiga Jiinkiisa ka dibna dagaal toos ah ku soo galay deegaanka Malaayley oo Al shabaab ay ku xooganaayeen sida Saraakiisha Ciidamada Saxaafadda ay u sheegeen.
Deegaankan oo dagaal kooban ku dhexmaray Ciidamadankan iyo Al shabaab ayaa markii dambe waxaa gacanta galay Malaayley Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee wada socda.
Dagaalkaas oo socday muddo gooban ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinacba uu ka soo gaaray khasaaro inkastoo dhinaca Al shabaab khasaaraha u badan yahay sida dadka deegaanka ay sheegayaan ka dib markii dagaal gaadmo ah lagu soo qaaday Al shabaab.
Deegaanka Malaayley ayaa degmada Jamaame wuxuu jiraa 5 KM sida ay inoo sheegeen dadka yaqaana deegaanada Jubbada hoose.
Saraakiisha Ciidamadan qabsaday deegaanka Malaayley ayaa sheegay in deegaankan Al shabaab ka soo abaabul jireen qaraxyada lagu aaso wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland iyo wewrarada Al shabaab ay qaadaan xarumaha Ciidamada.
Dhinaca kale waxaa cabsi dagaal la soo gudboonaatay bulshada ku nool degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ka dib markii si aad ah loogu soo dhawaaday Jamaame oo Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo aad hubaysan kaabinka ay ugaleen Jamaame.
Degmada Jamaame oo ah Degmo uu dhaxda ka maro Webiga Jubba ahna dhul beereed ayaa waxaa muddo dheer haysta Kooxda Al shabaab iyadoo hadda lagu soo waramayo in Ciidan iyo gaadiidba ay geeyeen Al shabaab Degmada Jamaame si ay udifaacdaan.
Ciidamadan huganta,ah ayaa Sanado badan ku qaadatay in Al shabaab ka saaraan Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.