Wararka Soomaalida
Ciidamada dowladda oo la sheegay inay dileen 20 Al shabaab ah
Howl-gal qorshaysan oo maanta ka dhacay duleedka Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayna fuliyeen Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya qayb tooda Miletariga ee gobolka Hiiraan ka howl-gala ayaa waxaa lagu soo waramayaa in howl-galkaasi ay ku dileen 20 dagaalyahan oo Al shabaab ah sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe.
Howl-galkan qorshaysan oo ka dhacay dhulka baadiyaha ah ee duleedka ka ah degmada Jalalaqsi ayaa wuxuu dhacay maanta gelenkii hore waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaaro ka soo gaaray kooxda Al shabaab ka dib markii Ciidamada Dowladda weerar gaadmo ah ay ku qaadeen koox Al shabaab hubaysan ah oo deganaa deegaanka lagu weeraray maanta.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa sheegay in weerarkaas qorshaysan ee lagu qaaday Kooxda Al shabaab halkaasi loogu dilay 20 Ciidanka Al shabaab ah meydadkoodana gacanta ay ku hayaan ka dib markii ka carareen Al shabaab.
Maxamed Nuur Dabaashe Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa waxaa kaloo uu sheegay in qorshahan weerarka ah Ciidamada ay ugu jawaabayeen uguna aar gudayeen dad shacab ah oo dhowaan kooxda Al shabaab ay ku laayeen deegaanka hadda iyagu lagu laayay Al shabaab sida uu saxaafadda u sheegay Gudoomiye Maxamed Nuur Dabaashe.
Gudoomiye Maxamed Nuur Dabaashe ayaa sheegay in mardhow bahda Saxaafadda ay soo tusayaan meydadkii ay ka carareen kooxda Al shabaab ka dib markii dagaal culus ay ku ekeeyeen Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya sida uu warka udhigay Gudoomiyaha.
Ma jiro war ka madaxbadaan sheegashada Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ee ah in 20 Al shabaab ah dagaal ay ku dileen meydadna ay ka carareen sidoo kale weli kooxda Al shabaab dhankooda kama hadlin warkan ka soo yeeray Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe.