Wararka Soomaalida
Ciidamada dowladda oo la wareegay Cumar Beere
Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay deegaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeelada hoose ka dib markii Al shabaab ay faaruqiyeen deegaankaas. Kooxda Al shabaab oo muddo dheer xukumayey deegaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa galabta ka war helay in Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin dibna halkaas […]
Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay deegaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeelada hoose ka dib markii Al shabaab ay faaruqiyeen deegaankaas.
Kooxda Al shabaab oo muddo dheer xukumayey deegaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa galabta ka war helay in Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin dibna halkaas faaruqiyey.
Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa deegaanka Cumar Beere kula wareegay dagaal la,aan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Shacabkii Al shabaab muddada dheer xukumayey.
Xaalada deegaanka Cumar Beere ayaa ah mid degan caawa waxaana dhowr sano ka dib caawa ku hooyanaya Ciidanka Milatariga Soomaaliya.
Deegaanka Cumar Beere ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya galabta ay la wareegeen ayaa waxaa uu yahay deegaan muhiim ah waana dhul beereed sidoo kale leh dhir farabadan wuxuuna ku dhaw yahay deegaanka kale ee Beladul Amiin.
Dardarta xoogan ee maalmahan ay ka wadaan Shabeelada hoose Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa waxay sababta in deegaano dhowr ah ay ka qabsadaan Al shabaab deegaanadaas oo Kala ah.
1-Sabiib Caanoole 2-Beledul Amiin 3- iyo Deegaankan cusub ee Cumar Beere ee Al shabaabka si,iskood ah uga baxay ka dib markii ay dareemeen culeys Milatari.
Sidoo kale qabsashada deegaanka Cumar Beere ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ka dib markii Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu shalay Ciidanka Xoogga dalka ku booqday deegaanada Beladul Amiin iyo Sabiib Caanoole oo xoog looga saaray Al shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Ciidanka kula dar-daarmay in ay sii wadaan howlgalada ay ku baacsanayaan Al shabaab.