Wararka Soomaalida
Ciidamada Kenya oo Geel ku laayay Jubbada hoose
Wararka nagasoo gaaraya inta udhaxaysa Degmooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya duqayn ku laayeen Geel ay leeyihiin reer guuraa Soomaaliyeed ka dib markii kooxda Al shabaab xero Ciidamadaas degan yihiin Madaafiic ku tuureen xalay saqdii dhexe sida uu inoo sheegay mid ka mid ah Xoola dhaqatada halkaas ku nool.
Inta la xaqiijiyay Geela Ciidamada Kenya duqaynta ku laayeen ayaa wuxuu gaarayaa 4 neef halka 7 kale dhaawacyo soo gaareen waxaana ku soo xoomay qaar ka mid ah shacabka deegaanka degan iyadoo xataa naf lagu gaari waayay.
Xoola dhaqatada Jubbada hoose ayaa mararbadan sheegay in Ciidamada Kenya si cadawtanimo leh markasta ulayso shacabka iyo Xoolahooda ee ku dhaqan miiga magaalooyinka Kismaayo,Dhoobley iyo Afmadow ee Jubbada hoose iyadoo shacabka ku nool Gobolka Gedo dhibaatadan ay ku hayaan Ciidamada kenya.