Wararka Soomaalida

Ciidamada Kenya oo gubay ku dhowaad 10 qof oo Soomaali ah

Sida uu Saxaafadda usheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa Ciidamada Kenya maanta waxay dileen 8 ruux oo Soomaali ah ka dibna meydadkii dab qabadsiiyay oo gubay. Dadkan ay dileen Ciidanada Kenya ayaa wuxuu ku sheegay Xildhibaanka inay marayeen deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada hoose xili ay saarnaayeen […]

Published

on

Sida uu Saxaafadda usheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa Ciidamada Kenya maanta waxay dileen 8 ruux oo Soomaali ah ka dibna meydadkii dab qabadsiiyay oo gubay.

Dadkan ay dileen Ciidanada Kenya ayaa wuxuu ku sheegay Xildhibaanka inay marayeen deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada hoose xili ay saarnaayeen gaari nooca Hoomayda ah ka dibna ay la kulmeen Ciidamada Kenya oo Gawaari watay ka dibna rasaas ku faray markii ay dhinteena gubay meydkii dadkii xaqdarda ay ku laayeen Ciidamada Kenya.

Xikdhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Xuluumadda iyo guud ahaan Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya in Ciidamada Kenya laga saaro dalka maadaama dacadiga ay kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed marba marka ka sii dambaysa joogto uu sii noqonayo.

Dacadigaas Ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeen maanta shacabkan maatada ah ee aan waxba galabsan ayaa Xildhibaanku wuxuu ku sheegay inay iskuuga jiraan Caruur,Haween,waayeel Rag iyo dumarba ay ka kooban yihiin.

Ciidamada Kenya ee ka howlgala Gobolada Jubadda hoose iyo Gedo ayaa horay dhowr jeer uburburiyay xarumo shirkadeed oo ay leeyihiin dad Soomaali ah iyadoo intaas udheer tahay duqeymaha aan loo meel dayin ee Ciidamada Kenya wali ay ku laynayaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iyagoo ku marmarsiyoonaya jihada ay ku tuureen Madaafiicda in Al shabaab ay ka soo duqeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version