Wararka Soomaalida
Ciidamada Kenya oo weli dul degan Xawaaladaha Soomaaliya ee Nairobi
Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya weli dul degan yihiin xarumaha Shirkadaha Xawaaladaha ee Ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin Xaafada Soomaalida ISLII ee Magaalada Nairobi Kenya. Saaka abaaro 09:15 daqii ee subaxnimo ayaa Ciidamada Kenya waxaa la sheegay inay ku jarmaadeen xarumaha Xawaaladaha kala ah DAHABSHIIL,TAAJ iyo AMAL […]
Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya weli dul degan yihiin xarumaha Shirkadaha Xawaaladaha ee Ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin Xaafada Soomaalida ISLII ee Magaalada Nairobi Kenya.
Saaka abaaro 09:15 daqii ee subaxnimo ayaa Ciidamada Kenya waxaa la sheegay inay ku jarmaadeen xarumaha Xawaaladaha kala ah DAHABSHIIL,TAAJ iyo AMAL EXPRES ee ku yaala xaafada Soomaalida ubadan tahay ee Islii waxaana wararku sheegayaan in Ciidamada hareereeyeen xarumahaas ka dibna gudaha ugaleen xarumaha Xawaaladaha.
Ciidamada Kenya oo ilaa hadda aaney la fahamsanayn ujeedka rasmiga ah ee uhareereeyeen xarumaha Xawaaladaha Lacagta ee Ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin Magaalada Nairobi ayaa Saraakiisha waxay la kulmeen Madaxda ugu saraysa Shirkadaha Xawaaladaha.
Axmed Yaasiin oo ka mid ah Madaxda Xawaaladda AMAl EXPRES oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Kenya saaka ku soo kalaheen xaruntooda Xawaaladda AMAL ku leedahay xaafada Islii ka dibna Ciidamadii gudaha ugu soo galeen xili shaqo adag ka socotay xarunta Xawaaladda.
Mas,uulkaas ayaa sheegay in Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka Ciidamada Kenya ee Xawaaladaha Soomaalida lagu soo qaaday inay waydiiyeen Sharciyada ay ku joogaan Nairobi iyo mida fasaxa Ganacsi ee dalka sida warqadda fasaxa Ganacsi license-ka ee dowladda Kenya iny haystaan.
Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Saraakiisha ku weejiyeen fasaxa Ganacsi ee License-ka ee ay uhaystaan inay ku ganacsadaan ilaa haddana ay la joogaan Ciidamada Kenya islamarkaana wax jawaab ah ka haynin Warqaddii License-ka ee ay udhibeen sidoo kale wax saamayn ah ku yeelanin howlgalka Ciidamada Kenya howlaha adeega dadweynaha uhayaan,shaqadooda sidii awalba usoconjirtay haddana usocoto.
Mar la weydiiyey in lagu soo war geliyey arimahan howlgalka ah ee Xawaaladaha Soomaalida ayaa wuxuu ku jawaabay in markii hore haddiiba howlgal laga fulinayo Xaafadaha Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Soomaalida ee Islii lagu soo war gelin jiray laakiin saaka wax lagu soo war geliyey jirin kaliya ay ka war heleen iyadoo Ciidamada Kenya dul fadhiyaan xarunta Xawaaladda AMAL EXPRES.
Sidoo kale Ciidamadan ayaa waxay hareereeyeen Xaaladaha DAHABSHIIL iyo TAAJ isla xaafada Islii ku yaala waxayna gudaha ugaleen xarumahaas iyagoo la kulmay madaxda Xawaaladaha ka dibna waydiiyey fasaxa Ganacsi ee License-ka.
Mas,uuliyiinta xarumaha Xawaaladaha Lacagta ee DAHABSHIIL iyo TAAJ ayaa iyana la wadaagay Saraakiisha Ciidamada Kenya fasaxa Ganacsi ee License-ka iyadoo ilaa hadda madaxda Xawaaladaha Soomaalida loo sheegin ujeedka howlgalka Xawaaladaha ka dambeeya inkastoo wax saamayn ah ku yeelanin howlgalkaas Ciidamada Kenya ka wadaan xaafada Islii gaar ahaan xarumaha Xawaaladaha howlahooda shaqo sida ay sheegeen howl wadeenada Xawaaladaha.
Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Xawaaladaha Soomaalida ee ku leh Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa kagadaal markii shalay Golaha Baarlamanka Soomaaliya ay meelmariyeen Sharciga Shidaal Qodista Soomaaliya sidookale shalay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta lagu xanibay 5 Xildhibaan oo iskuuga jira wasiiro iyo labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.
Mas,uuliyiintaas ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gabi ahaanba loo diiday in Passport-ka Soomaaliya loogu dhufto Fiisaha dal ku galka kuna hoyday Garoonka Jomo Kenyatta ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Arimahan isasoo taraya ee dowladda Kenya maalinba maalinta ka sii dambaysa kula dhaqaaqayso shacabka iyo madaxda Soomaaliya iyadoo dhowaan Kenya duulimaadkii tooska ahaa ee garoomada Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta dowladda Kenya uweecisay garoonka Wajeer ayaa waxaa la sheegayaa inay mugdi sii gelinayso xiriirka dublamaasi ee labada wadan ay wadaagaan.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay isku haystaan Xagal badeed iyadoo Dowladda Soomaaliya dacwo ugudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee (ICJ) iyadoo intaas usii dheertay Sohdinta labada wadan wadaagaan oo sidoo kale muran uu ka taagan yahay.