Wararka Soomaalida
Ciidamada Liyuu Boolis oo gacanta ku dhigay Hub iyo lacag+Sawiro
Deegaanada DDS ee Itoobiya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Hub farabadan iyo Lacag cadadkeedu aan yarayn ka dib howlgal Ciidamada Liyuu Boolis ay ka fuliyeen dhulka ay degan yihiin Soomaalida ku nool Gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya. Ciidamadaas ayaa gacanta ku soo dhigay Hub tiradiisu dhan tahay 3040 qori oo iskuuga jira nooca fudud ee […]
Deegaanada DDS ee Itoobiya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Hub farabadan iyo Lacag cadadkeedu aan yarayn ka dib howlgal Ciidamada Liyuu Boolis ay ka fuliyeen dhulka ay degan yihiin Soomaalida ku nool Gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya.
Ciidamadaas ayaa gacanta ku soo dhigay Hub tiradiisu dhan tahay 3040 qori oo iskuuga jira nooca fudud ee AK47 iyo kan culus ee boobiyaasha loo yaqaano ee garbaha laga rido sida Baasuukaha, Rasaas aad utiro badan iyo kuwo kale.
Hubabkan ayaa Ciidamadu waxay ka soo kala aruuriyeen deegaano kala duwan oo ka mid ah dhulka DDS iyadoo saraakiisha Ciidankaas ay sheegeen in Hubkan deegaanadaas si sharcidaro ah loogu haystay.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Liyuu Boolis Gaashaanle sare Sakariye Cabdi Khaliif oo bahda wararka faafidiya kula hadlay goobta Hubkan lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis dadaal ay muujiyeen darteed lagu soo saaray Hubkan oo ahaa mid si sharcidaro ah loogu isticmaalayay deegaanada Soomaalida.
Sidoo kale Ciidamadan intii howlgalada ay ku jireen ayaa dhinaca kale waxay soo qabteen oo gacanta ku soo dhigeen Lacag Dollar ah oo cadadkeedu uu dhan yahay 10,000 oo Dollarka Maraykanka ah oo si sharciga baalmarsan loogu gudbin rabay deegaanada ay degan yihiin Soomaalida ka dibna Ciidamada oo ka war helay ay qabteen.
Lacagtan tiradeeda intaas dhan tahay ee Ciidamada Liyuu Boolis ay qabteen ayaa ilaa hadda la ogayn meesha loo waday, cida iska leh iyo sababta laga damacsanaa.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Liyuu Boolis ee DDS Gaashaanle sare Sakariye Cabdi Khaliif ayaa sheegay in Lacagtan,Hub lagu ilaalinayay iyo Raggii watayba gacanta ku hayaan sharcigana la marsiin doono.
Waa markii ugu horaysay oo howlgal noocan ah ay ka fuliyaan Ciidanka Liyuu Boolis ee DDS deegaanada Soomaali Galbeed ee Itoobiya soona qabtaan Hub iyo Lacag tiradooda aad usarayso.