Wararka Soomaalida
Ciidamada Puntland iyo Al shabaab oo Af-Urur ku dagaalamay
Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bare ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in galabta dagaal qaatay saacad uu ku dhaxmaray deegaanka Af-Urur Ciidamada Puntland iyo koox ka tirsan Al shabaab sida wararka nagusoo gaarayaan.
Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii koox ka tirsan Al shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay degan yihiin Ciidamada maamulka Puntland oo ku yeela aaga hore ee deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari ka dibna dagaal xooggan halkaas uu ka dhacay.
Weerarkaas ka dhacay Af-Urur ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dhinacyada dagaalamay khasaaro uu ka soo gaaray sida dadka deegaanka Saxaafadda ay uxaqiijiyeen iyadoo Ciidamada Puntland dagaalkaasi lagaga dilay 4 askari halka 7 kalana looga dhaawacay sida wararka ay sheegayaan.
Kooxda Al shabaab ayaa wararku waxay sheegayaan in dagaalka ay ku qaadeen galabta Ciidamada Maamulka Puntland ee degan deegaanka Af-Urur looga dilay 8 halka 9 kale looga dhaawacay sida dadka degan deegaankaasi ay xaqiijiyeen ka dib markii dagaalka uu joogsaday.
Korneyl Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano Korneyl Aarsade uu u sheegay Warbaahinta ka howl-gasha deegaanada maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in labo askari looga dilay dagaalkaas halka seddax kalana uu sheegay inay ugu dhaawacmeen dagaalka ay la galeen Al shabaab.
Mar uu ka hadlayay khasaaraha ay gaarsiiyeen Al shabaab ayaa wuxuu sheegay in 8 dhalinyaro ah ay ka dileen 9 kalana ay ka dhaawaceen ka dibna dib iskiiga celiyeen Al shabaabkii soo weeraray xaaladana hadda degan tahay.
Shacabka ku nool deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegay in Af-Urur hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland ka dib dagaalkii xoogganaa ee deegaankaasi galabta ka dhacay.