Wararka Soomaalida
Ciidamada Puntland oo howlgal culus ka wada Boosaaso
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa galabta waxaa ka dhacay howlgal culus ka dib amarkii Madaxweynaha Maamulkaas Dr Siciid Cabdulaahi Deni uu bixiyey wixii ka dambeeyey dilkii Madaxii shirkad hoos timaada DP-World. Amarka uu bixiyey Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa ahaa in Ciidamada amaanka Puntland shaqo adag ay […]
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa galabta waxaa ka dhacay howlgal culus ka dib amarkii Madaxweynaha Maamulkaas Dr Siciid Cabdulaahi Deni uu bixiyey wixii ka dambeeyey dilkii Madaxii shirkad hoos timaada DP-World.
Amarka uu bixiyey Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa ahaa in Ciidamada amaanka Puntland shaqo adag ay ka fuliyaan Magaalada Boosaaso oo bilooyinkii la soo dhaafay amaankeeda uu sii xumaanayey ka dib dilal isdabajoog ahaa oo ka dhacay Magaaladaas,uguna dambeeyey ninkii ajanabiga,ahaa.
Magaalada Boosaaso ayaa shalay waxaa soo gaaray Ciidan farabadan oo ka mid ah kuwa amaanka ee Maamulka Puntland kana tagay Magaalada Garowe ee xarunta ah Maamulka Puntland waxayna xoojiyeen Ciidamadii kale ee horay ugu sugnaa Magaalada iyagoo Ciidamadan howlgal guri,guri ah ka sameeyey galabta Magaalada Boosaaso.
Howlgalkan culus ee ay ka wadaan Magaalada Boosaaso Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa wararka aan ka helayno Boosaaso sheegaya in dhalinyaro farabadan lagu soo qab qabtay howlgalkaas.
Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Jannaraal Axmed Muuse oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Ciidamadan dheeraadka ah ee la keenay Magaalada Boosaaso ay fulinayaan amarka madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni,isla-markaana ay sugi doonaan amniga Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ee Puntland.
Dhinaca kale xog uu is hoose uga helay Magaalada Boosaaso Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni uu ku wajahan yahay Magaalada Boosaaso maalmaha nagusoo aadan sida aan xogtan ku helnay.
Howlgalkan adag ee Ciidamada Puntland ay ka wadaan Magaalada Boosaaso ayaa umuuqda mid leh labo ujeedo oo kale ah.
1-in Saraakiisha horkacaysa Ciidamada howlgalkan culus ka wada Boosaaso ay heleen xog ku aadan in Magaalada ay ku jiraan ama ay soo gaareen rag ka tirsan kooxaha Daacishta Soomaaliya iyo Al shabaab.
2-iyo in amaanka Madaxweynaha Puntland la sugayo kahor inta uusan soogaarin Magaalada Boosaaso.
Howlgalkan ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga u ah Maamulka Puntland ayaa wuxuu imaanayaa kagadaal markii dhowaan bartamaha Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Fermosa oo ahaa Madaxii Shirkadda P/O ee hoos timaada Shirkadda DP-World ee imaaraadka laga leeyahay.
Dilka Paul Anthony Fermosa ayaa mas,uuliyadiisa waxaa sheegtay in ay ka dambeeyaan kooxda Al shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa wali ka socda baaritaanka raggii ka dambeeyey dilkii Paul Anthony Fermosa in kastoo Ciidamada amaanka Puntland Saxaafadda ay u soo bandhigeen nin ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa dablaydii dishay shaqsigaas Ajanabiga ahaa kaasoo markii dambe u dhintay dhaawac ka soo gaaray intii lagu gudajiray soo qabashadiisii ee Ciidamada amaanka Puntland.