Wararka Soomaalida

Ciidamada Puntland oo soo dhigay Dhalinyaro ay ku sheegeen Al shabaab+sawiro

Howlgalo laga sameeyey Magaalada Boosaaso ayaa Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay ku soo bandhigeen Afar dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen in ay yihiin Al shabaab. Dhalinyaradan afarta ah ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin kuwii ka dameeyey dilkii Ganacsadihii habeen hore lagu dilay Boosaaso kaasoo lagu magacaabayey Salaad Cabdi Cukaash. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland […]

Published

on

Howlgalo laga sameeyey Magaalada Boosaaso ayaa Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay ku soo bandhigeen Afar dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen in ay yihiin Al shabaab.

Dhalinyaradan afarta ah ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin kuwii ka dameeyey dilkii Ganacsadihii habeen hore lagu dilay Boosaaso kaasoo lagu magacaabayey Salaad Cabdi Cukaash.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jannaraal Muxudiin Axmed Muuse oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dhalinyaradan Ciidamada amaanka Puntland ayaa ka soo qabteen xaafadaha Kala duwan ee Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Jannaraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu intaas ku daray in dhalinyaradan ay ka dambeeyeen dilkii Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash sharcigana ay marsiinayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version