Wararka Soomaalida
Ciidamada Soomaaliland oo jeelka dhigay wiil ku lebistay calanka Soomaaliya+sawiro
Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa lagu xiray nin dhalinyarada Magaalada Hargayska ku nool ah ka dib markii uu ku lebistay Jaakad iyo Surwaal ka samaysan midibka Buuga ah ee Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Ninkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa maalmahanba jaga jug layn iyo aflagaadaba la sheefay […]
Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa lagu xiray nin dhalinyarada Magaalada Hargayska ku nool ah ka dib markii uu ku lebistay Jaakad iyo Surwaal ka samaysan midibka Buuga ah ee Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ninkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa maalmahanba jaga jug layn iyo aflagaadaba la sheefay inuu kala kulmayey shacabka ku nool Xaafada uu ka degan yahay Magaalada Hargaysa.
Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa haddaba maanta hoygiisa ugu tagay ninkaas dhalinyarada ah ka dibna ka soo kaxeeyey si qasab ah.
Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa Ciidamada ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay jeelka Hargaysa ay dhigeen Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” iyadoo lagu eedeeyey inuu ku xad gudbay nidaamka iyo Dastuurka Maamulka Soomaaliland.