Wararka Soomaalida
Ciidamada Xoogga oo Al shabaab kala wareegay deegaano ka mid ah Mudug
Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka waaberigii Ciidamada Xoogga dalka Al shabaab dagaal uga saareen deegaano ka mid ah Koonfurta Gobolka Mugud halkaas oo Al shabaab muddo dheer ay maamulayeen. Dagaalkan ayaa saaka waaberigii wuxuu ka dhacay deegaanada Caad,Camaara iyo Ceel Huur oo ah deegaano muhiim u,ahaa kooxda Al […]
Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka waaberigii Ciidamada Xoogga dalka Al shabaab dagaal uga saareen deegaano ka mid ah Koonfurta Gobolka Mugud halkaas oo Al shabaab muddo dheer ay maamulayeen.
Dagaalkan ayaa saaka waaberigii wuxuu ka dhacay deegaanada Caad,Camaara iyo Ceel Huur oo ah deegaano muhiim u,ahaa kooxda Al shabaab sida Saxaafadda ay u sheegeen saraakiisha hogaaminaysa howlgalka deegaanadaas Al shabaabka looga saaray.
Ciidamadan dhaq-dhaqaaqa Ciidan ka bilaabay Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxay iskuuga jiraan Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee DANAB ,kuwa Militariga Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka Galmudug iyagoo haysta Gaadiid dagaal oo aad ufarabadan sida aan wararka ku helnay.
Caad,Camaara iyo Ceel Huur dagaalkii Saaka ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in khasaaro uu soo kala gaaray Ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Al shabaab ee deegaanadaas xoogga looga saaray sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Saxaafadda.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa waxaa uu ubadan yahay kan soo gaaray Al shabaab sida ay sheegeen shacabka ku nool deegaanada lagu dagaalamay iyadoo intaas warkooda ku daray in Ciidamada Al shabaab dagaalka lagu gaaday iyagoo war uhaynin duulaanka Ciidanka dowladda Al shabaab dagaal uu ku qabsaday deegaanada hadda xoogga looga saaray.
Dhinaca kale war si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howgala deegaanada Maamulka Galmudug hadda ay ku wajahan yihiin Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug halkaas oo Al shabaabka ay ku xoogan yihiin.
Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa muddo dheer oo sanado ah haysata Al shabaab iyagoo Degmadaas qabsaday horaantii sanadkii 2013kii ilaa haddana maamula Xarardheere iyo deegaano kale oo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud.
Al shabaab degmada Xarardheere ayaa waxay utahay xarunta ugu weyn ee ay ka maamulaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyagoo duulaanadana ka soo qaada halkaas markii howl ay ka fulinayaa deegaanada kale ee gacantooda kamaqan ee Maamulka Galmudug uu maamulo.
Wararka aan ka helayno Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saansaan Colaadeed hadda laga dareemayo Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ka dib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ay ujahaysteen dhinaca Xarardheere ka dib markii ay Al shabaab ay ka soo saareen deegaanada Caad,Camaara iyo Ceel Huur.