Local News
Ciidamo Faransiis ah oo ku dhintay Shil diyaaradeed
Ciidamada wadanka Faransiiska ee howlgalka nabad ilaalint ah ujooga dalka Mali ayaa waxay diyaarad kula dhacday gobol ka mid ah dalka Mali ka dib cilid ku timid diyaaradii ay saarnaayeen Ciidanka Faransiiska.
Ciidamadan la dhacday diyaarada ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid ahaayeen Ciidamada Faransiiska ee mudada dheer ku noolaa dalka Mali haddana dalkoodii dib ugu laabanayay ka dib markii la bedelay.
Shilkaas diyaaradeed ayaa dalka Faransiiska waxaa lagu soo waramayaa inay kaga dhinteen askar gaaraysa 13 askari sida wararka ay tibaaxayaan.
Dhacdadaasi qabsatay Ciidamada Faransiiska ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron isagoo tacsi u diray ehelada askarta dhimatay sida lagu sheegay War saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.
“Madaxweynaha wuxuu si murugo leh u iclaaminayaa in wadanka Mali ay ku dhinteen 13 askari Faransiis ah”ayaa lagu yiri warka tacsida ah ee ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron.
Dalka Faransiiska ayaa dalka Mali waxaa ka jooga Ciidamo aad utirabadan iyagoo nabad ilaalin ujgooga dalka Mali kana caawiya dowladda Mali la dagaalanka iyo ka ilaalinta kooxda Jihaad doonka ah ee ka dagaalanta dalka Mali.