Wararka Soomaalida
Ciidamo gadoodsan oo xirtay KM4 ee Muqdisho
Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta saacado waxay uxirneed qaar ka mid ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya ka dib markii dhowrkii bilood ee la soo dhaafay la siinin wax Mushahar ah sida ay sheegeen Ciidankaas gadoodsan ee wada xirtay. Ciidankan ayaa waxay ka tirsan yihiin guutada 14 October ee ka howlgala Gobolka Shabeelada hoose iyagoo […]
Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta saacado waxay uxirneed qaar ka mid ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya ka dib markii dhowrkii bilood ee la soo dhaafay la siinin wax Mushahar ah sida ay sheegeen Ciidankaas gadoodsan ee wada xirtay.
Ciidankan ayaa waxay ka tirsan yihiin guutada 14 October ee ka howlgala Gobolka Shabeelada hoose iyagoo sidoo kale soo baneeyey difaacyadee iyo xerooyinkii ay ka deganaayeen Gobolkaas.
Ciidankan maanta xirtay wadada KM4 ayaa tiradooda lagu qiyaasay 150 Askari oo hubaysan waxaana ka maqnaa oo aan lagu dhex arkin askari ama shaqsi darajo Ciidan leh.
Ciidamada ayaa wadada ku jaray dhagxaan iyo Taayeerada la nacay ee yaala Garaashyada waxayna udiidayeen in ay isticmaalaan wadada gaadiidka Ciidanka iyo wixii ay u,arkaan in dowladda Soomaaliya ay leedahay.
Gaadiidka PLka,dadweynaha iyo shacabka isticmaalayey wadadaas ayaa Ciidamada waxay u sheegayeen in si nabadgelyo ah ay ku maraan wadada iyadoo wax rabshado,ah ugeysaneynin.
Ciidamadii noocaas sameeyey maanta ee xirtay wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa saacado ka dib waxaa uyimid Sarkaal xirnaa darajada Gaashaanle dhexe wuxuuna ujeediyey Khudbad.
in kastoo sarkaal kaas magaciisa wali saxaafadda helin ayaa waxaa uu ku guuleystay in Ciidamadii uu ka ka xeeyo wadada.
Waxaa markii dambe Sarkaalkaas oo wata gaadiid Ciidan farabadan u saaran yahay uu furay wadadii ay jareen Ciidankii gadoodsanaa.
Waxaa dhacday in gawaaridii Ciidanka iyo kuwa ay wataan mas,uuliyiinta ka shaqeeya hey,adaha dowladda ee markii hore loo diiday in ay maraan wada KM4 u suurta gashay in si xor ah ay ku maraan.
War si hoose uhelay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya Ciidankii gaarayey 150 askari ee xirtay wadada KM4 loogu yeeray Taliska Guud ee Ciidanka Milatariga ee ku dhex yaala wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.
Gaadoodka maanta ay sameeyeen qaar ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo muddo labo bilood ah qaadanin wax Mushahar ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya sida aan Wararka ku helnay.
Dhinaca kale waxaa wasaarada Maaliyadda Soomaaliya ay ku howlan tahay in askari waliba oo leh number sax ah ee Ciidanka Xoogga dalka loo sameeyo Akoon(Account) loogu soo diro Mushaharkiisa bil waliba waxaana barnaamijkaas uu socdaa muddo labo bilood ah sida uu sheegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.