Wararka Soomaalida

Ciidamo ka goostay Soomaaliland oo la soo bandhigay

Published

on

Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta Saxaafadda usoo bandhigay Ciidamo farabadan oo la sheegay inay ka soo goosteen Maamulka Soomaaliland kuna biiray Ciidamada Puntland sida warbaahinta ay u sheegeen Saraakiisha Ciidamadan usoo bandhigay Saxaafadda.

Ciidamadan Soomaaliland ka goostay iskuna dhiibay iyaga iyo hubkooduba Ciidamada Puntland ayaa waxay ka howl-galayeen gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka la yiraahdo Ceel-buh ee katirsan gobolka Sanaag sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamadan ugoostay maamulka Puntland ee Soomaaliland ka goostay.

Ciidamadan oo aad uhubaysan ayaa Saraakiishooda oo la hadlay Saxaafadda waxay sheegeen inay ka tirsanaayeen guutada 93-aad ee Ciidanka maamulka Soomaaliland muddo bil ku simana ay qorshaynayeen in talaabadan ay ku dhaqaaqaan maantana usuurtagashay inay fuliyaan go’aankoodii goosashada ahaa.

Deegaanka Ceel-buh Ciidamadan ka soo goostay ee ka mid ahaa Ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa hogaaminaya Taliye-na u,ah Gaashaanle Mustafe Siciid Toor mar uu la hadlay Saxaafadda wuxuu sheegay inay u,adkaysan waayeen dulmi uu sheegay inuu ka jiro maamulka Soomaaliland madaxda hogaamisa dhaxdooda.

Ciidamadan la sheegay inay ka goosteen maamulka Soomaaliland ayaa waxay gaarayaan ku dhowaad 150 askari waxayna wataan gaadiidka ciidanka oo qaar ka mid ah gaadiidkaas ay saaran yihiin hubka dagaalka iyadoo askari walbana qorigiisa uu jeenqaarsan yahay.

Weli Saraakiisha maamulka Soomaaliland kama aysan hadlin Ciidankaas ka goostay ee ugalay maamulka cadowga isku yihiin ee haddana deriska ah ee Puntland

Mararbadan ayaa sidaan oo kale waxaa dhacda in labada maamul Soomaaliland iyo Puntland ay usoo bandhigaan Ciidamo hubaysan oo ay ku sheegaan midba midka kale in Ciidamo ka soo goostay dhankooda ku soo biireen.

Trending

Exit mobile version