Wararka Soomaalida

Ciidamo muran ka taagnaa oo loo qaaday Galmudug

Published

on

Ciidamadan muranka ka taagnaa ayaa ka howlgalayay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaana saaka loo qaaday Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug sida ay nagusoo gaareen wararka halkaasi ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne.

Odyayaasha iyo waxgaradka Beledweyne ayaa siweyn udiidanaa in Ciidamadaasi loo qaado deegaanada Maamulka Galmudug ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya go,aan ku gaartay in Ciidankaas loo qaado sugida amniga degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel si qayb ugu noqdaan Ciidamada loogu talagalay sugida amniga Galmudug.

Ciidamadaas ayaa waxay si toos ah uhoostagan ugana amarqaatan wasaardda Gaashaandhiga Soomaaliya iyadoo badankood lagu tababaray Xero Ciidan oo ku taala Gobolka Hiiraan horaantii sanadkii hore ee 2018-kii ilaa bilowgii sanadka 2019-ka waxayna Ciidankan loo qaaday deegaanada Galmudug la sheegayaa in ujeedka rasmiga ah ee aga damacsan yahay ay tahay sidii qayb libaax leh ugu noqon lahaayeen dagaalka loogu xoaynayo Al shabaab deegaanada ay ka maamulaan Mudug iyo Galgaduud.

Ciidankan oo saaka barqadii ka ruuqansaday Degmada Beledweyne kuna wajahan degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel murana ka taagnaa in halkaasi loo qaado ayaan wali wax war ah ka soo bixin Odyaashii iyo waxgaradkii ree Beledweyne ee ka cagajiidayay in talaabadaasi lagu dhaqaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version