Wararka Soomaalida

Ciidamo Talyani ah oo qarax lagu weeraray

Published

on

Barqadii maanta ayaa waxaa weerar gaari loo adeegsaday uu ka dhacay isgoyska Kulliyadda Jaalisiyaad ee magaalada Muqdisho waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamadan Talyaniga ah ayaa waxay ka soo baxeen xerada wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho markii ay marayeen Isgoyska kulliyadda Jaale Siyaad waxaa lagu dhuftay gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Gaariga lagu dhuftay kolonyada Talyaaniga ayaa noociisa waxaa lagu sheegay NOAH oo horay loogu diyaariyay Isgoyska Jaale Siyaad waxaana soo gaaray Ciidamadaas qqar ka mid ah dhaawac halka mid ah gawaaridooda uu bur buray.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ahaa sidoo kale dhawr qof oo kale way ku dhaawacmeen waxaama bur bur xoogan uu soo gaaray goobo ganacsi iyo guryo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waa markii labaad oo Ciidamada Talyaaniga ah qarax loo dhigo Isgoyskan sanadkan gudihiisa iyadoo bilowgii sanadkan sidaan oo kale qarax gaari loo dhigay halkaas lagu weeraray.

Trending

Exit mobile version