Wararka Soomaalida

Ciidamo usocday Xaaf oo laga hor istaagay dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya degmada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa Ciidamo wata gaadiidka dagaalka aadna ufarabadan laga hor istaagay inay galaan dhuusamareeb ka dib markii Xaaf uu dalabaday in Ciidamadaas ay ka ka xeeyaan dhuusamareeb una kaxeeyaan Gaalkacyo ka dib markii xaalada ku xumaatay Xaaf sida aan wararka ku helnay. Dhinaca kale Ciidamada […]

Published

on

Wararka ka imaanaya degmada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa Ciidamo wata gaadiidka dagaalka aadna ufarabadan laga hor istaagay inay galaan dhuusamareeb ka dib markii Xaaf uu dalabaday in Ciidamadaas ay ka ka xeeyaan dhuusamareeb una kaxeeyaan Gaalkacyo ka dib markii xaalada ku xumaatay Xaaf sida aan wararka ku helnay.

Dhinaca kale Ciidamada Xaaf dalbaday oo ka yimid Gaalkacyo iyo Ciidamada Ahlusunna ee hor istaagay Ciidamadaxaaf ayaa la sheegayaa in Caawa dagaal kooban uu ku dhaxmaray duleedka dhuusamareeb xaaladana wali kacsantahay.

Hor istaaga Ciidamadaas ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku sameeyeen Ciidamada Ahluduna ee hoostaga Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxda Golaha Wasiirada Galmudug ka dib markii Xaaf iyo shaakir isku dhaceen.

Is qabashada shaakir iyo xaaf ayaa timid kagadaal markii dowladda Soomaaliya iyo madaxda Ahlusunna is afgarteen sida wararka ugu xoogan ay sheegayaan.

Arimahaan ayaa yimid ka dib markii dhuusamareeb shalay galab uu ka degay Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya iyo wafdi saraakiil ah.

Warar si hoose uu uhelay wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in wadaadka utaliya Ahlusunna ee lagu magacaabo Macalin Maxamuud iyo madaxda dowladda Soomaaliya heshiis dhaxmaray sidaas awgeed Madaxweynaha Galmudug Axamed Ducaale Geele Xaaf soo wajhaday xaalad adag oo dhanka siyaasada ah.

Shalay Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in wasiirka arimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa laga celiyo garoonka Dhuusamareeb laguna celiyo Muqdisho halkaasna xaaf Ciidan udiray ka dibna waxaa la sheegay in Ciidankii Xaaf Garoonka dhuusamareeb udiray kala diray kuna bedelay Ciidanka Ahlusunna Madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed shaakir Cali Xasan.

Arintaas ayaa keentay isku dhaca Xaaf iyo Shaakir ka dib markii Shaakir Ciidamadiisa soo galbiyeen wafdiga Wasiir Sabriye gudaha dhuusamareeb soo geliyay shir balaarana dhuusamareeb ku dhaxmaray Maxamed Shaakir iyo Cabdi Maxamed Sabriye.

Xaaf ayaa hadda qorshaynaya inuu ka guuro Dhuusamareeb una guuro Gaalkacyo sida aan wararka ku helnay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version