Wararka Soomaalida
Ciidan ka goostay Jubbaland iyo Taliye xabsiga loo dhigay
Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka goostay Ciidan wata gaadiid nooca dagaalka ah ee Ciidanka ay isticmaalaan waxaana la sheegay inay ugaleen Al shabaab ka dib markii si dhuumaalaysi ah ku goosteen iyagoo wata hal gaari.
Gaarigaas iyo Ciidankii saarnaa ayaa naloo xaqiijiyay inay ugaleen Al shabaab sida aan ka soo xiganay Saraakiil xog ogaal ah kuna sugan jiida hore ee dagaalka dhinaca garoonka diyaaradaha Kismaayo ku sugan.
Ciidanka ayaa la noosheegay inay gaarayaan 25 askari iyo hal gaari oo ah nooca Cabdibilaha Soomaalida utaqaano saaka aroortii hore ka baxay Kismaayo ka dibna laga war helay inay ugaleen Al shabaab sida uu inoo sheegay Sarkaal naga codsaday in aan magaciisa iyo darajadiisa Ciidanba u,adeegsan warbaahinta.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray oo xabsiga la dhigay Taliyihii Gaadiidka Maamulka Jubbland ka dib markii askartaas iyo gaarigaba ay ugaleen Al shabaab waxaana magaciisa lagu soo koobay Xiish waxaana lagu xiray amar ka soo baxay Axmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabta Magaalada Kismaayo sida aan xogta ku helnay.
Taliye Xiish ayaa wararka aan helnay waxay sheegayaan inay isku heeb yihiin Axmed Madoobe sidoo kale Ciidanka ugoostay dhanka Al shabaab ay isku beel yihiin Axmed Madoobe iyo Taliye Xiish sida uu unoo xaqiijiyay mas’uulkan warka nala wadaagay.