Wararka Soomaalida

Ciidanka amaanka Muqdisho oo kordhiyey sugida amaanka

Ciidamada amaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa sii laba jibaaray sugida amaanka wixii ka dambeeyey dhalashada Bisha soon ka dib markii Taliska amaanka ee Muqdisho ay heleen xog ku saabsan in Al shabaab damacsan yihiin arimihii lagu yaqaanay ee Qaraxyada inay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Soon. Howlgalo maalin iyo habeen ah […]

Published

on

Ciidamada amaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa sii laba jibaaray sugida amaanka wixii ka dambeeyey dhalashada Bisha soon ka dib markii Taliska amaanka ee Muqdisho ay heleen xog ku saabsan in Al shabaab damacsan yihiin arimihii lagu yaqaanay ee Qaraxyada inay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Soon.

Howlgalo maalin iyo habeen ah ayaa hadda waxay Ciidamada ay ka sameeyaan Xaafadaha Degmooyinka ee Magaalada Muqdisho iyadoo howgaladaas maalin kasta iyo habeen waliba lagu soo qabqabanayo xubno Al shabaab ah iyo qarayaxyo sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka amaanka sugaya.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagalada ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay kaga hor tagayaan qatarta cadawga Al shabaab ay la damacsan yihiin shacabka Gobolka Banaadir waxayna intaas warkeeda ku dartay in howlgaladan ay ku soo qabqabteen hub iyo dhalinyaro Al shabaab ah.

Sakiye Xuseen Axmed waxay intaas warkeeda raacisay in ay laba jibaarayaan ushaqaynta shacabka iyo ka hor tagista arimaha Al shabaab maalin iyo habeena ka daali doonin islamarkaana ku dadaalayaan sidii xasilooni ugu noolaan lahaayeen shacabka Muqdisho ku nool.

Howlagaladan ay wadaan Ciidanka loo xilsaaray sugida amaanka Caasimadda ayaa wuxuu soo bilowday seddax bil ka hor iyadoo dhinaca kale wali ay xiran yihiin dhamaan wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka sida aadka loo adkeeyey amaankooda ayaa waxaa ka mid ah Ex Control Afgooye iyo Ex Control Balcad ee ka kala yimaada labada Gobol ee deriska la,ah Gobolka Banaadir Shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe.

Wadooyinka kale ee Magaalada gudaheeda ayaa la mid ah sida labada Ex Control Afgooye iyo Balcad waxaana shacabka intabadan isticmaalaan gawaarida kala wareega loo yaqaano kuwaasoo ah gaarigii kaasoo qaada Bosteejada uu ku eg yahay bosteejo aan sidaas uga fogayn tii uu kaa soo qaaday.

Intaas ka dib ayaa haddana shacabka waxay ka raacaan mid kale oo geeya meel kale oo aan dheereen ilaa qofka uu ka gaaro danahiisa ayuu raacaa maalintii iyo habeenkiiba in kabadan 4 gaari.

Tan iyo markii Ciidamada ay kordhiyeen sugida amaanka iyo xirnaashaha wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa aad u yaraaday qaraxyadii Al shabaab ka fulinjireen Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version