Wararka Soomaalida

Ciidanka Kenya oo sheegay in 7 Al Shabaab ah ay dileen, hubna ay ka furteen

Howlgal Ciidanka Kenya ay ka sameeyeen Saaka Aroortii hore Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay 7 Xubnood oo Argagixisada Al Shabaab ka tirsan sida lagu xusay War maanta ka soo,baxay Taliska Ciidanka Kenya oo ka mid ah Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Howlgalkan ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ee ay fuliyeen Ciidanka Kenya isla markaana […]

Published

on

Howlgal Ciidanka Kenya ay ka sameeyeen Saaka Aroortii hore Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay 7 Xubnood oo Argagixisada Al Shabaab ka tirsan sida lagu xusay War maanta ka soo,baxay Taliska Ciidanka Kenya oo ka mid ah Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Howlgalkan ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ee ay fuliyeen Ciidanka Kenya isla markaana 7 Argagixisada Al shabaab ah looga dilay ayaa waxaa uu dhacay maanta oo Arbaco ah sida lagu sheegay Warbixinta Taliska Ciidanka Kenya ka soo baxday laguna xusay.

Afhayeen uhadlay Taliska Ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Col- Paul Njuguna ayaa waxaa uu sheegay Howlgalkaas ay ka sameeyeen Koonfurta Soomaaliya ee ay ku dileen 7 Xubnood ee Al Shabaabka ah intii uu socday loogu dhaawacay Seddax ka mid ah Ciidankooda.

Col-Paul Njuguna ayaa waxaa kaloo uu sheegay in Howlgalka ay ku soo furteen 9 Qori oo ah nooca AK-47 iyo 10 Sanduuq oo ay is kuugajiraan.Rasaas,Bambaanoyinnoocyo kala duwan leh iyo Agab kale oo muhiim ah.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaan magaciisa lagu sheegay Tabda-Delahola sida War Saxaafadeedkiisa uu ku sheegay Afhayeenka Ciidanka Kenya uhadlay maanta.

waxaa uu yiri Afhayeen Paul Njuguna“Ciidamada Kenya oo ka mid ah Howlgalka Amisom ayaa howlgal ka sameeyey Koonfurta Soomaaliya waxaana usuurya gashay in ay soo dilaan 7 Argagixisada Al shabaab ah waxaa sidoo kale Ciidamada ay ka soo furteen Al sbabaab 9 Qori oo ah AK-47 iyo 10 Sanduuq oo iskuugajira Bambaanoyin oo ka kooban noocyo kala duwan,intii Ciidamada ay ku jireen Howgalka iyo dagaalka lala,galay Al shabaab waxaa nooga dhaawacmay Sedax ka mid ah Ciidamadeena, Howgalkan waxaan ka samaynay Deegaanka Tabda-Delahola Sidoo kale waxaan Howgalkaas ku dhaawacnay qaar ka mid ah Al shabaab wayna qaateen dhaawacyada laakiin waxaan xaqiijinaynaa Xubnaha dhaawaca ah ee Al shabaab mafilayo in ay sii noolaan karaan waayo dhaawac xoogleh ayaa gaaray dhiig farabadana wuu ka baxay sida aan ku aragnay meeshii ay naga soo xabadaynayeen markii aan tagnay”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Afhayeenka Ciisanka Kenya Col-Paul Njuguna.

Al shabaab ayaa mararbadan weerar dhiig farabadan ku daatay ku qaaday Xarumaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolada Jubbada hoose iyo Gedo sidoo kale Weeraro dadbadan ay ku dhinteen Al shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya laakiin Warkan hadda ka soo baxay Taliska Ciidanka Kenya ayaa ah mid ka turjumaya in Al shabaabkii Weerarka ahaa iyagu hadda la weerarayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version