Wararka Soomaalida
Ciidanka xoogga dalka oo qaaday Tallaabo farxad gelisay shacabka+sawiro
Ciidanka Militariga Soomaaliya ee ka howgala Gobolka shabeelada hoose ayaa maanta qaaday tallaabo farxad gelisay shacabka ku nool deegaano badan oo ka mid ah Gobolkaas. Tallaabadaas loo riyaaqay ee Ciidanka Militariga Soomaaliya maanta ay qaadeen ayaa waxay ahayd ka dib markii qoysas danyar ah oo ku nool deegaanadii dhawaan ay ka saareen Ciidamada Xoogga dalka […]
Ciidanka Militariga Soomaaliya ee ka howgala Gobolka shabeelada hoose ayaa maanta qaaday tallaabo farxad gelisay shacabka ku nool deegaano badan oo ka mid ah Gobolkaas.
Tallaabadaas loo riyaaqay ee Ciidanka Militariga Soomaaliya maanta ay qaadeen ayaa waxay ahayd ka dib markii qoysas danyar ah oo ku nool deegaanadii dhawaan ay ka saareen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya kooxda Al shabaab ay uqeebiyeen Raashiin iyo dhar ay ubaahi qabeen qoysasakaas.
Ciidamadan ayaa qoysaska uqeebiyey Raashiin iskuuga jira loorar Bur,Bariis,Sokor,Kartoomo Timir ah iyo Caagado Saliid ah waxaa kaloo intaas dheer oo Ciidamada ay qeebiyeen dhar nooco kala duwan ah.
Deeqdan raashiinka iyo dharka ah ee maanta ay ugu deeqeen qoyasaka ubaahan in lacaawiyo ayaa Saraakiisha Ciidankaas waxay sheegeen in Ciidamada Raashiinkii loogu talagalay qayb ka mid ah ka soo jareen ka dibna uqeebiyey qoysaskaas dantyar.
Deeqda maanta Ciidamada Militariga Soomaaliya ay gaarsiiyeen qoysaska baahan ayaa waxay ku soo aadaysaa iyadoo lagu jiro bisha Ramadan.
Haddaba tallabadan farxadaleh ee ay qaadeen Ciidamada Xoogga dalka ee shabeelada hoose ka howlgala ayaa waxaa ka hadlay soona dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow.
“Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo bulshada Sh/Hoose raashin u qeybinaya iyadoo lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan,Geesiyaasheena waa kuwa u taagan badbaadada shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.
Deeq qeebinta maanta ka dhacday shabeelada hoose ee ay sameeyeen Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxay noqonaysaa tallaabadii labaad oo Ciidamadan ay ka fuliyaan Gobolka shabeelada hoose iyadoo horay deeq tan lamid ah ugu soo qeebiyey deegaanada Sabiid Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere.