Wararka Soomaalida

Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay hub iyo qaraxyo+sawiro

Ciidanka Xoogga dalka qaybta 5-aad guutada 27-aad ayaa caawa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan ku soo bandhigay hub iyo Aalado la,isku xirxiray isla markaana loo diyaarinayey in lagu weeraro xarun ka mid ah xarumaha Ciidamada ee ku yaala Magaalada Beledweyne sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha qaybta 5-aad Guutada 27-ee ku sugan Beledweyne Jannaraal […]

Published

on

Ciidanka Xoogga dalka qaybta 5-aad guutada 27-aad ayaa caawa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan ku soo bandhigay hub iyo Aalado la,isku xirxiray isla markaana loo diyaarinayey in lagu weeraro xarun ka mid ah xarumaha Ciidamada ee ku yaala Magaalada Beledweyne sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha qaybta 5-aad Guutada 27-ee ku sugan Beledweyne Jannaraal Faarax Kooshin.

Taliye Faarax Kooshin ayaa sheegay howlgal galabta Ciidamada ay ka sameeyeen Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne guri ka mid ah xaafadaas lagu soo qabtay hal xabo oo Qoriga AK47 ah iyo 8 sheey oo kala ah labo moobayl seddax Beteri iyo afar Bam isla markaana la,isku xirxiray si Qarax loogu fuliyo.

Ciidamada qabtay howshan ayaa Taliyaha wuxuu sheegay markii ay geleyeen guriga Alaabtan lagu diyaarinayey uu ku sugnaa shaqsigii arrintan faraha kula jiray ka dibna iska caabin soctay hal saac uu ku dhax maray gurigaas iyadoo ugu dambayn Ciidamada toogasho ay ku dileen ruuxaas ku howlanaa in dhibaato ka fuliyo Beledweyne.

“Ciidamada oo ku jiray howlgalkii maalmahanba aan ka wadnay Xaafadaha kala duwan ee Beledweyne ayaa waxay Ciidamadii heleen xog dhamaystiran oo ah guri lagu diyaarinayo qarax,ka dib Ciidamada ayaa ka hortagay qatartaas

Shaqsigii falkan lagu qabtay asagoo gacanta kula jira ayaa markii uu,arkay Ciidankan oo dul taagan guriga uu ku jiray wuxuu sameeyey in Ciidamada uu rasaaseeyo hal saac ayey is xabadeynayeen aaqirkii way toogteen

Ka dib markii Ciidanka ay gudaha ugaleen guriga ayaa waxay ku arkeen waxan idiin muuqda”ayuu hadalkiisa ku gaba gabeeyey Taliyaha qaybta 5-aad guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa maalmahanba ka socday howlgal guri guri ah oo ay samaynayeen Ciidanka amaanka Magaaladaas. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version