Wararka Soomaalida

Ciidankii dilay Taliye Maxaadeey oo gacanta lagu dhigay

Published

on

Ka dib markii xalay israsaasayn uu ku dhintay Taliyihii Ururka Gorgor ee mukaandooska Soomaaliya Maxaadeey Saleebaan ayaa waxaa Taliska Booliska Soomaaliya war ka soo baxay lagu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Ciidankii falkaasi ka dambeeyay.

Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda Twitter ka ku soo qortay in gacanta ay ku hayaan Ciidankii ka dambeeyay dilka Taliyaha.

Taliyihii Ururka Gorgor ee Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa waxaa la xaqiijiyayninayndileen ilaalada Hotel Naasa Hablood 2 ee ku wadada ku dhow Taalada Xaawo Taako dhinaca degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

“Xalay abaaro maqhribkii waxaa isgoyska ex-Shabelle ka dhacay israsaaseyn taasoo ku geeriyooday Allah u naxariistee sarkaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka,dhamman ciidanka joogay bar controolka uu falka ka dhacay waxeey ku jiraan gacanta Ciidanka Boliiska iyadoo lagu wado baarista falka sida uu u dhacay iyo cida gaysatay”ayay tiri Sakiye Xuseen Axmed.

Meydka Taliyaha ayaa weli ku jira qaboojiyay ka dib markii ehelkiisa ay diideen in la aaso ilaa kuwii dilay cadaalada la horkeeno.

Trending

Exit mobile version