Wararka Soomaalida
Ciyaaraha kubadda cagta oo si habsamileh ugu socda Muqdisho
Garoonka ciyaaraha kubadda cagta ee ENG Yariisow ayaa waxaa si habsamileh ugu socda ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo hadda heer gebagebo ah uu ku dhowyahay dhamaadka ciyaarahan ka socda garoonka Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho.
Ciyaarahan ka socda garoonkaas ayaa waxaa horay u furay allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ENG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku geeriyooday qaraxii loo dhigay xafiiskiisa ee maamulka Gobolka Banaadir.
Ciyaarahaas ayaa waxaa ka wada qayb gelaya dhamaan 18 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay ciyaartoy u matalaysa iyadoo degma walba ciyaartoyada umatesha min seddax jeer ay ciyaareen waxaana lagu wadaa gebagebada ciyaarahan inuu soo xiro Gudoomoyaha cuaub ee gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya marwo Khadiija Maxamed Diiriye.
Garoonka kubadda cagta ee ENG Yariisow ayaa waxaa galab walba ku ciyaara laba kooxood oo ka kala socda laba degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir waxaana usoo daawasho taga bulshada qeebaheeda kala gedisan haba ugu badnaadaane dhalinyarada rag iyo dumarba ka kooban.
Ciyaarahan degmooyinka ayaa sanad walba sidaan oo kale loo qabtaa Koob iyadoo degmadii badisaana la gudoonsiinayo abaalmarin ciyaartoydooda ku faraxdo sida horayba udhacday.