Wararka Soomaalida

Ciyaarta FINAL-ka Dharkenley iyo Waabari oo qeybtii hore soo idlaatay

Published

on

Tartanka ciyaarta FINAL-ka ah ee udhaxeeya kooxaha Dharkenley iyo Waabari ayaa qeybtii hore ku soo idlaatay 0-0 iyadoo hadda nasiinyo ay aadeen kooxaha Waabari iyo Dharkenley oo caawa ciyaar adag ku dhaxmartay Garoonka Ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium.

Kooxda Dharkenley oo caawa ciyaarta ku bilawday weerar iyo carcar ayaa iska khasaariyay laba fursadood ka dib markii labo ciyaartoy oo ka mid ah Dharkenley ay la waayeen Shabaqa.

halka Kooxda Waabari oo ciyaar qabow ciyaarayay ay dhankooda ciyaartoydooda Shabaqa la waayeen labo Fursadood.

Labada kooxoodba waxay khasaariyeen min labo fursadood oo koox waliba haddii ay dhalin lahayd u ahaan lahayd guul dahabi ah.

Kooxda Dharkenley ayaa u ah markii ugu horaysay oo xili habeen ah ay ku ciyaaraan Garoonka Ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium halka Kooxda Waabari muddo Shan sanadood ah xili walba garoonkan ay ku ciyaarayeen.

Waa arki doonaa qeybta labaad iyo sida ciyaarta wax iskiiga bedelaan.

Trending

Exit mobile version