Wararka Soomaalida
Congress Ilhaan oo Jabuuti lagu soo dhaweeyay
Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Congress Ilhaan Cumar ,Xubno iyo marti sharaf kale oo ka tirsan Dowladda Maraykanka ka dib safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyadda Djabuuti.
Congress Ilhaan Cumar iyo wafdiga ay horboodayso ayaa waxaa soo dhaweyn wanaagsan usameeyay xafiiskiisana ku qaabilay Madaxweynaha dalka Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo ka wada hadlay dhowr arimood oo ka mid ah arimaha xiriirka labada dowladood Jabuuti iyo Maraykanka ka dhexeeya.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka maraykanka ama Xildhibaan aqalka ugu sareeya dalkaasi ka mid ah ayaa asal ahaan waxay ka soo jeedaa dalka Soomaaliya balse haysata dhalasha muwaadin ee dalka Maraykanka waxaana safarkan Djabuuti ku gaartay ku weheliya qaar ka mid ah Golaha aqalka senedka ee maraykanka iyo mas’uuliyiin kale.
Lama oga ujeedka Congress Ilhaan Cumar iyo wafdigeeda ay utageen Jamhuuriyadda Djabuuti iyadoo shirar dheer la qaadatay Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo sidoo kale mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti dhinaca Golaha Wasiirada iyo baarlamanka dalka dalkaasi.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxay tahay gabar aad ufirfircoon siweyna uga hadasha arimaha Soomaaliya oo asal ahaanba ay udhalatay iyo guud ahaan dhacdooyinka caalamka ka dhaca waana safarkeedii ugu horeeyay ee ay ku gaarto dalka Jabuuti iyadoo Xildhibaan golaha senedka Maraykanka ah.
Markii loo doortay xilkan Congress-ka maraykanka ah Ilhaan Cumar ayaa waxay safar shaqo ku timid Muqdisho iyadoo kulan dheer la qaadatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ka dibna uduushay magaalada Garowe ee Maamulka Puntland.
Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale Garowe shir kula soo yeelatay Madaxweynihii waqtigaas ee maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadoo Ilhaan Cumar waqtigaas safarkeed ee Soomaaliya ku soo maraysay ku weheliyay Saygeeda Axmed Xirsi iyadoo safarkan uusan la socon Saygeeda Axmed Xirsi sidii safarkii hore ee Soomaaliya ay ku timid laakiin hadda safarkan Jabuuti ku timid lama oga inay Soomaaliya ku imaan doonto iyo in kale.