Wararka Soomaalida

Culimada Masjid Al rowda Boosaaso oo aruuriyay in ka badan $46 kun oo Dollar

Published

on

Ka dib markii Wabiga Shabeele uu ku fatahay Magaalada Beledweyne islamarkaana dad laayay ayaa waxaa caawa Culimada magaalada Boosaaso ka sameeyeen Masjidka Al rowda gurmad dhaqaalo loogu aruurinayo qoysaska biyaha Wabiga ka barakacay ee duleedka Beledweyne ku dhibaataysan waxayna Masajid Al-rowda ka ururiyeen lacag gaaraysa $46,280.5 Kun labo boqol iyo sedeetan Dollar iyo 35-kun oo Shilinka Soomaaliga ah iyadoo lacagta Soomaalig ah ay bixiyeen labo wiil oo yar-yar ah sida Culimada ay ka jeediyeen Masjid Al rowda ee Magaalada Boosaaso ku yaala.

Markii fatahaada Wabiga Shabeele uu soo baxay ayaa deegaanada maamulka Puntland waxaa ka bilowday gurmad dhan walba leh si ay ugarab istaagaan walaalahooda ku dhibaataysan Hiiraan ee fatahaada Wabiga Shabeele saamaynta ku reebay kana barakaciyay gur yahoodii.

Gurmad kan lamid ah ayaa wuxuu ka socdaa deegaanada maamulka Galmudug iyo gobolka Banaadir gaar ahaan hey,adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoonka baarlamanka ugu deeqeen mid walba mushaarkiisa bishan October.

Sidoo kale guud ahaan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoyasaskaasi waxay uqoon deysay lacag dhan 500,000 oo kun oo Dollar si wax loogu qabto qoyasaska tabaalaysan.

Trending

Exit mobile version