Wararka Soomaalida
Cutubkii ugu horeeyey Amisom oo Soomaaliya ka baxay
Ciidanka nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Amisom gaar ahaan ciidanka ka socda dalka Burundi ayaa maanta dufacadii ugu horeysay waxay ka duuleen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Ciidankan maanta dalkooda muddo dheer ka dib uduulay kana baxay Soomaaliya ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 200 askari. Ciidanka ka dhoofay Muqdisho ee aaday dalkooda ayaa waxay […]
Ciidanka nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Amisom gaar ahaan ciidanka ka socda dalka Burundi ayaa maanta dufacadii ugu horeysay waxay ka duuleen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidankan maanta dalkooda muddo dheer ka dib uduulay kana baxay Soomaaliya ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 200 askari.
Ciidanka ka dhoofay Muqdisho ee aaday dalkooda ayaa waxay ka soo baxeen Gobolka Shabeelada dhexe waxayna ka mid yihiin Ciidankii 1000 askari ahaa ee dhawaanahaanba la hadal hayey in dalkooda dib loogu celin doono ka dib go,aan ka soo baxay Midowga Africa.
Qorshaha lagaaray ee ah in Ciidamada Midowga Africa ee Amisom si tartiib tartiib ah ay ugu baxaan Soomaaliya ayaa waxaa loo asteeyey in bilowga bixitaanka Ciidamada Amisom lagu bilaabo kuwa ka socda dalka Burundi oo gaaraya1000 kun askari isla markaana ka socda Burundi markii lagaaro 28 bisha Feberury ee sannadka 2019ka.
Qorshaha shaqo ee Ciidamada Amisom Soomaaliya ka howlagala ayaa waxaa uu ku eg yahay sannadka 2020 in gabi ahaanba ay faaruqiyaan Soomaaliya ka horna in yar in yar loo qaado Ciidanka ka dibna meelaha ay banaynayaan lagu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya.