Local News

Dab ka kacay dhismii ahaan jiray dukaanka Kmart ee ku yaala wadada Lake ee Minneapolis

Published

on

MINNEAPOLI – Shaqaalaha gurmadka dab-demiska magaaladda Minneapolis ayaa mudo lix saacadood ka baddan ay ku qaadatay in ay demiyaan dab aad u badan oo ka kacay dhismaha ahaan jiray dukaanka Kmart oo in mudo ahba banaanaa, kaddib markii la xiray dukaanka Kmart.

Dab aad u balaadhan ayaa saaka subaxii hore ka kacay dhismahan oo in mudo ahba cidlo ahaa, siligna lagu wareejijay. Dabkan ayaa sababay in la xiro wadada Lake Street ee dhismahan hormarta. Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa sababay dabka, qayb kamid ah dhismaha ayaa la sheegay in ay duntay.

Magaaladda Minneapolis ayaa wada qorshe la rabo in goobta u dhismahan gubtay ku yaalo laga dhigo guryo iyo goobe kalle oo bulshadda xaafada deggen, ku ganacsadda ama ka shaqeeya anfacaya. Waxaana lagu tallo jiray in dhismaha madhan ee ku yaala Lake Street iyo Nicollet Avenue la dumiyo horaanta sannadka soosocda ee 2024.

Wixii akhbaar dheeraad ah ee ku soo kordha gubashadda iyo dabka qabsadday dhismaha Kmart kala soco Tusmotimes.

Trending

Exit mobile version